X

Raadio Hargeysa Ha Saxdo Khaladka Xuquuqda Barnaamijyada

Yaa sameeyey heesta “Cuna, cuna, cuna, cuna oo cabba” ee Ramadaanta?

#Araweelo_News_Network.

Idaacadda guunka ah ee Radio Hargeisa waxaa la gudboon in ay ilaaliso xuquuqda kaydka ay gacanta ku hayso. Waa masuuliyad culus oo u baahan in dareenkeeda la yeesho.
Heesta sida weyn loo dhagaysto xilliga afurka ee hal ku dhiggeedu yahay “cuna, cuna, cuna, cuna oo cabba” waxay raadyow Hargeysa hadda ku sheegtaa in uu sameeyey Abwaan Huuryo, taas oo aan sax ahayn.
Wakhti aan ku qiyaasayo 2015 ama 2016, hal sanno uu ka hor geeridii Shamis Abokor Guduudo Carwo, oo ahayd fannaanadii taariikhda gashay oo ahayd  gabadhii ugu horaysay ee Soomaaliyeed ee ka heesta idaacadda Radio Hargeisa oo ah ta ugu da’da weyn idaacadaha af-Soomaaliga ku hadla, ayaa waraysi cod ah siisay shabakadda Hadhwanaag News. Nuxurka waraygisaasi wuxu ahaa:
“Anigu sidii aan hore u sheegay fankii waan ka baxay, waanan iska cibaadaystaa. Mana jecli in aan bixiyo waraysiyo ku saabsan fanka. Laakiin waxa isoo kicisay arrin aan ka xumaaday, taas oo ah abwaanka lagu sheegay heesta “cuna, cuna, cuna” ee afurka kadib la saaro Ramadaanta, taas oo aniga iyo fanaaniin kale aanu ku luuqayno. Heestaas waxa iska leh Alle ha u naxariistee Xuseen Aw Faarax Dubbad. Waa in sidaa loo saxaa oo aanan maalin dambe ka maqal Raadyow Hargeysa iyadoo cid kale ku sheegaysa.”
Waraysigaasi wuxu ku jiraa kaydka Hadhwanaag News, ciddii u baahataana way heli kartaa. Qofkii xog dheeraad ah u baahan sidoo kale wuxu  waraysan karaa abwaannada iyo fannaaniinta waaweyn inta ka sii nool.
Mar haddii ay Guduudo-Carwo codsigaas sixitaanka ah sannado badan ka hor soo gudbisay, madaxda qolka kaydka ee Raadyow Hargeysa waxaa la gudboon in ay hubiyaan dibna u eegaan.  Haddii ay ku qancaan sida Guduudo Carwo sheegtay, waa in ay u soo celisaa xaqiisa marxuumkii heestaa alifay Xuseen Aw Faarax Dubbad oo ah abwaan taariikh weyn ku leh Somaliland. Huuryo iyo Xuseen waa laba abwaan oo qiimo ku leh agteena, laakiin wuxuun baa muhiim ah in la hubiyo nin waliba wixii uu lahaa oo aynaan geela isaga darin ee sumaddiisa aan dhawrno.
Sidoo kale, akhyaarta danaysa sixitaanka hantida maskaxeed, sida maansooyinka, heesaha, buugaagta iyo wixii la mid ah, iyagana waxaan u soo jeedin lahaa in ay arrinkan hubintiisa ka hawlgalaan iyagoo aan wax dan ah oo gaar ah ka lahayn laakiin doonnaya in ay wax saxaan.
Ramadaan Kariim
W/Q: Aadan Cali Cabdi “Aadanoo”
adancabdicali3@gmail.com
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post