X
    Categories: Warar

Raacii Labaad Ee Xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland Oo La Ansixiyay

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)- Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ansixiyey 9 Wasiir iyo xubno Wasiiro-ku-xigeen ah oo ka mid ah Golaha Wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo horyimi fadhigii golaha ee ka qabsoomay xaruntooda caasimadda Hargeysa.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Md. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa mudanayaasha u akhriyey taariikh-nololeedka iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu Madaxweynuhu ku soo xushay xubnaha Golaha Wasiirrada ee la ansixiyey, halka sidoo kale mudanayaasha loo akhriyey wareegtooyinkii wasiirrada lagu soo magacaabay.
Xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirrada oo isugu jiray 9 wasiir iyo Wasiir-ku-xigeeno ayaa intii aan la ansixin waxa loo ogolaaday inay golaha Wakiillada ka horjeediyaan khudbado la xidhiidha waxyaabaha ay jecelyihiin inay ka hirgeliyaan Wasaaradda loo xilsaaray iyo guud ahaanba qaranka Somaliland, iyadoo uu wasiir kastaaba soo bandhigay qorshaha uu doonayo inuu ku shaqeeyo iyo caqabadaha taagan ee u baahan in sida wadajir ah looga gudbo.
Markii ay mudanayaasha Golaha Wakiilladu dhegaysteen warbixinaha ay jeediyeen xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo CV-yadoodaba, waxay si gooni-gooni ah cod gacan taag ah ku ansixiyeen magacaabista Wasiirrada iyo Wasiir-ku-xigeenada loo soo gudbiyey, kuwaasoo kala ahaa;
1. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Ciise Axmed Yuusuf waxa ansixiyey 58 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin
2. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, waxa ansixintiisa ogolaaday 58 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin
3. Wasiirka Horumarinta Maalgashiga Md. Maxamed Axmed Maxamed, waxa ansixiyey 58 mudane, cidna ma diidin.
4. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa ogolaaday 58 mudane, cidna ma diidin, cidna kama aamusin, Guddoomiyuhuna ma coddayn.
5. Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxa ansixintiisa ogolaaday 58 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirto.
6. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Cabdiraxmaan Faarax Diiriye (Guri-barwaaqo), waxa ogolaaday 58 mudane, cidna ma diidin, cidna kama aamusin
7. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Md. Jaamac Maxamuud Cigaal, waxa ansixiyey 58 mudane, cidna ma diidin, cidna kama aamusin
8. Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxa ogolaaday 58 mudane, cidna ma diidin, cidna kama aamusin
9. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Yuusuf Mire Maxamuud (Boos), waxa ogolaaday 58 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin
Waxa kaloo fadhiga Golaha Wakiillada ee shalay lagu ansixiyey xubno ka mid ah Wasiir-ku-xigeennada ku jira Golaha Wasiirrada Somaliland, iyadoo sidoo kale ay mudanayaashu ansixiyeen 12 xubnood oo wasiirro ah maalintii Sabtida.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post