Araweelo News Network

matteo-renzi
Roma(ANN)- Ra’iisal-wasaaraha waddanka Talyaaniga Mr. Matteo Renzi, ayaa ku dhawaaqay iscasilaaddiisa, kadib markii shacabkiisu cod ku diideen wax-ka-beddel dastuurka dalkiisa ah oo uu soo jeediyey, waxaanay arrintaasi ku biirtay dhacdooyinka cajiibka noqday ee qaaradda Yurub ka dhacay lixdii bilood ee u dambeeyey sannadkan 2016.
“Khibraddii dawladaydu halkaas ayey ku dhammaatay,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha is-casilay mar uu ku sugnaa gurigiisa magaalada Roma ee Talyaaniga, kadib markii lagaga adkaaday aftidii dadweyne ee dalkaas ka qabsoontay maalintii Axadda ee taariikhdu ahayd 4 December 2016.
Wax-ka-beddelka dastuurka ee uu soo jeediyey waxa ay ku saabsanayd in la yareeyo tirada iyo awoodda xildhibaannada Barlamaanka Talyaaniga, isla markaana awoodda gobolladana lagu soo ururiyo hannaan federaal. Ra’iisal-wasaare Renzi iyo dadka taageersanaa waxay sheegeen in arrintan ay tahay mid u fiican sharci-dejinta, maadaama dalkaas muddo badan uu hadheeyey musuqmaasuq baahsan iyo degenaansho la’aan dhinaca dhaqaalaha ah.
Ninkan Ra’iisal-wasaaraha ahaa, waxa uu ku dhiirraday inuu xilka isaga tago, maadaama uu u arkay in wixi uu doonayey ee is lahaa dawladda Talyaaniga waad ku hagaajin kartaa la diiday.