X
    Categories: Warar

Qoyska Marxuum Galaydh Oo Dalbaday In Baadhitaan Dheeraad Ah Lagu Sameeyo Sababta Geeridiisa

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo 08/10/2020 ku geeriyooday caasimada Dawlad Deegaanka Soomalida Ethiopia ee Jigjiga, Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network

 

Jigjiga(ANN)-Ehellada Qoyska Marxuum Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa dalbaday in baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo Maydka Marxuumka. Kaddib markii masuuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ay sheegeen xalay in baadhitaan ay sameeyeen ku oggaadeen in marxuum Galydh u geeriyooday xannuunka COVID-19.

AKHRI: Galaydh: Hoggaamiye Ka Baxay Gollayaasha Siyaasada iyo Aqoonta Soomaalida

Marxuumka ayaa shalay la shaaciyay inuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga, waxa geeridiisa kaddib soo baxay warar is khilaafsan, iyadoo masuuliyiin warbaahinta la hadlay qaarkood sheegeen in cunto uu cunay Marxuumku ay sababtay shuban iyo inuu fuuq-baxo.

Balse  Masuuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ee Magaalada Jigjiga oo guddi u saaray baadhitaan in lagu sameeyo si loo oggaado sababta uu u dhintay marxuumku, kuwaas oo shaaciyay in baadhitaan ay sameeyeen ay ku oggaadeen in Marxuum Cali Khaliif Galaydh u dhintay fayriska COVID-19.

Hasayeeshee qaar ka mid ah Ehellada Marxuumka waxa ay ku doodayaan in ay mudan tahay in baadhitaan kale la sameeyo.

“Anaga ayaa codsanayna in naloo baadho, waxaana lagu samaynayaa baadhitaanka meeshii la isla qaato ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota,” sidaa waxa yidhi, Mukhtaar Xaamud oo ka mid ah qoyska marxuumka.

Mar uu ka hadlayay sababta shakiga keentay, wuxuu ku dooday  in geerida Cali Khaliif loo aanaynayo cunto uu ku xanuunsaday oo aanay rumaysnayn in uu u dhintay cudurka Covid-19. Sidaa awgeed ay dalbanayaan baadhitaan dheeraad ah.

“Callooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq-baxay. Isaga ayaa noo sheegay. ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u malaynayaa sababta xannuunka’, ayuu nagu yidhi. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodaynay markii hore, waxaana is lahayn wuu iska caafimaadi.”

Mukhtaar Xaamud oo ka hadlaya sida aannay ugu qanacsanayn warbixinta dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga, isagoo yidhi, “Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha”.

AKHRI: Marxuum Cali Khaliif Galaydh Hoggaamiye Ka Geeriyooday Geeska Afrika Oo Aan La Ogayn Halka Lagu Aasi Doono

Eehellada Qoyska marxuumka ayaa sheegay in Maydkiisa la geyn doono Magaalada Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo  Marxuum Cali Khaliif Galeydh.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

ayaa guddi Wasiiro ah u magcaabay qaban-qaabada aaska Marxuumka oo la filayo in Maydkiisa loo duuliyo dhanka Magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post