X
    Categories: Warar

Qosolkii Madaxweyne Biixi Iyo Taashka Loo Xidhay Guddoomiye Saleebaan

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefdigii uu hoggaaminayay oo dalka kusoo laabtay maanta, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Hargeysa, kadib markii ay kasoo laabteen dalka Djibouti oo ay kaga qaybgaleen wada hadaladii ay halkaa ku yeesheen Somaliland,

Madaxweyne Biixi iyo xubnaha wefdiga ee la socday, ayaa si xamaasadaysan loogu soo dhoweeyay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, waxaana lagu qaabilay farxad, iyadoo ay boqolaal dadweynaha oo ku sugnaa Madaarka iyo wadooyinka Magaalada muujiyeen shucuur dareen wadaniyadeed oo ay ku qaabileen Madaxweynaha iyo xubnaha Wefdigaa oo marka laga yimaado xubnaha golaha wasiirada ee ka tirsan xukuumadda ay la socdeen Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Adna Aadan Ismaaciil oo iyadu xubin ka ah guddida wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumaddu ugu magcawday.

Guddoomiye Saleebaan iyo Adna ayaa ahaa labada qof ee Wefdiga Madaxweynaha loogu hadal haynta badnaa intii ay ku sugnaayeen Djiboiti, iyadoo Guddoomiye Saleebaan mar uu warbaahinta la hadlay bilawgii ay wefdigu tageen dalka Djibouti si cad u sheegay hadal si weyn dhegaha bulshada Somaliland u galay oo uu ku sheegay in aannay xubnaha ka socda dhinaca Soomaaliya ee Madaxweynaha Dawladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaao hoggaaminayaa aannay waxba meesha ku hayn, sidaa awgeed aannay wada hadal gelayn ilaa ay fuliyaan heshiisyadii hore ee laga gaadhay wada hadalada, wuxuuna iclaamiyay in ay iska soo noqonayaan oo dalka kusoo laabanayaan.

Dhawaaqa Saleebaan iyo hadalkii uu sheegay bilawgii shirka, waxa xalay la weydiiyay Wasiir Siciid Sulub oo markii lagu kala kacay shirka warbaahinta la hadlay oo sheegay in laysku mariwaayay qodobo baddan, isla markaana ay dib ugu soo laabanayaan dalka in hadalkii maalintii ay Djibouti tageen uu sheegay Guddoomiye Saleebaan uu sax, wuxuuna xusay in Saleebaan sii arkayay waxa meesha kasoo socda, maadaama uu yahay Siyaasi Ruug-cadaa ah.

Madaxweyne Biixi, isagooo ay ka muuqato farxad, isla markaana dareenka farxadiisa ku ladhaya qosol aan looga baran inta badan Madaxweyne Biixi, wuuxuu si gaar ah ugu xusay khudbadiisa doorka ay lahaayeen Guddoomiye Saleebaan iyo weliba Adna Aadan iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxayna dadku markii ay wefdigu kasoo degeen garoonka si gaar ah ugu urureen Guddoomiye Saleebaan iyo Adna, iyadoo loo xidhay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan Taash.

Bal Daawo Muuqaalkan

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post