Araweelo News Network
Akhri war-murtiyeed ka soo baxay Muqdisho oo lagu soo bandhigay qaabka ay noqonayso doorashada macmalka ah ee Soomaaliya
Muqdisho (ANN)- Qorshe loo dejiyey doorasho la moodka caalamku dabada ka riixayo ee la doonayo in laga qabto waddanka Soomaaliya, ayaa lagu daray nidaam lagu sheegay in lagu soo dooran doono xildhibaannada Jamhuuriyadda Somaliland u meteli doona Aqalka Sare ee Baaralamanka Federaalka Soomaaliya.
War-murtiyeed ka soo baxay shir masuuliyiinta maamullada Soomaaliya kaga wada tashanayeen qaabka ay noqon doonto doorashada macmalka ah ee loo qoondeeyey inay halkaas ka dhacdo dabayaaqada sannadkan oo lagu soo gunaanaday magaalada Muqdisho, ayaa lagu xusay tirada xubnaha iyo cidda soo xuli doonta xildhibaannada Somaliland u meteli doona Baarlamanka, gaar ahaan degaannada gobollada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag-bari.
“1. Muddada xil-heynta laamaha Dawladda Federaalka Soomaliya:
Madasha Hoggaanka Qaran kadib markii ay aragtay jadwalka hirgelinta doorashada 2016 ee ay soo gudbiyeen Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), isla markaana arkeen qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee qeexaya in laamaha dawladda Federaalka Sooomaaliya ee jamhuuriyaddu ku kooban tahay afar (4) sanno oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyey, maankana ku haya in duruufaha jira awgeed aanay suurtogal ahayn in doorasho la qabto inta ka hadhsan muddada xil-heynta laamaha dawladda ee hadda jira (Baarlamanka Federaalka iyo Madaxweynaha). Madashu waxa ay tixgeliyeen inay lagama maarmaan tahay in muddada gaaban ee kala-guurka ah looga gudbo si huwan nabaadiino iyo xasillooni, aanay dhicin firaaq hay’adeed ku yimaad jiritaanka laamaha dastuuriga ee dawladda Federaalka. Madashu waxay guddoomisay in laga bilaabo taariikhda ay ku dhammaaneyso muddada xil-heynta laamaha dawladda, ay xilka u sii hayn doonaan ilaa iyo inta natiijada cusub ee doorashada ee laamaha dastuuriga ah lagu dhawaaqayo, sida ku cad jadwalka ay soo saareen (GFHDD).
2. Dhammeystirka dib-u-eegista Dastuurka:
Madashu waxa ay si wadjir ah u bogaadinayaan Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka federaalka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Shaqada wanaagsan ee ka soo qabteen dib-u-eegista dastuurka, waxa ay soo jeedineysaa in ay lagama maarmaan tahay in howlaha dib-u-eegista dastuurka ee qabyada ah uu dhammaystiro Baarlamaanka 10naad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan la dooran doono, isla markaana tixgelin iyo mudnaanta koowaadba siiyo qaraarka iyo lifaaqyada uu Baarlamaanka 9aad ku ansaxiyey kalfadhigiisa 8aad ee 2016.
3. Adeegsiga nidaamka awood-qaybsiga 4.5 oo looga gudbo dhisidda iyo hirgelinta axsaabta siyaasadeed:
Madashu waxa ay soo dhaweynayaan mabda’a dimoqraadiga ah ee suurtogalinaya in shacbigu helo fursad uu madaxdiisa si caadil ah ugu kala doorto barnaamijyo siyaasadeed oo ay ku kala tartamayaan axsaab siyaasadeed, taasoo ah dariiqa ugu habboon ee Soomaaliya kaga bixi karto nidaamka doorashooyinka ku saleysan 4.5 ee lagu soo meel gaadhay. Sidaa darteed, madaxda Madasha Qaranku waxa ay isku raaceen in la horumariyo dhisidda iyo diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed muddo laba sanno gudahood ah, ka bilaabanta taariikhda la doorto Baarlamaanka 10aad. Haddaba si arrintan loo hirgeliyo qof kasta oo Musharrax ah, oo u tartamaya kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka midkood waxa laga doonayaa inuu saxiixo afti qoraal ah oo uu ku caddeynayo in uu laba (2) sanno gudahood, ka bilaabata maalinta la dhaariyo Baarlamaanka 10aad uu xubin ka noqonayo mid ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee sharci ahaan dalka ugu sameysmay, Baarlamaankana ku matali doono xisbigiisa. Xildhibaannada ku guuleysta doorashooyinka aqallada Baarlamaanka ee Soomaaliya waxay ka mid noqon doonaan axsaabta siyaasadeed ugu dambeyn 20ka October 2018. Waxa laga doonayaa in xafiiska Guddoonka Baarlamaanka geeyo caddeyn xisbiga siyaasadeed uu xildhibaanku xubinta ka yahay, golahana ku matalayo. Xildhibaankii ku biiri waaya xisbi siyaasadeed muddadaas kadib waxey sababeysaa xil-waayid xubinnimada golaha uu xildhibaanku ka tirsan yahay, kursigaasna doorasho loo diro.
4. Arrimaha khuseeya Guddiyada Doorashada:
A. Madashu waxay dhammeystirtay magacyada xubnaha Guddiyada Doorashada ee heer Dawlad-goboleed (GDHGDG).
B. Madashu waxay soo saartay tirada iyo magacayada xubnaha guddiga khilaafaadka, waxayna ka dhigtay tirada 21 xubnood, halka ay markii hore ka aheyd 11 xubnood. Sagaal (9) ka mid ah guddiga waxa soo magacaabeysa dawladda federaalka ah, halka ay min laba (2) xubnood soo magacaabayaan dawladaha xubnaha ka ah ama ka mid noqon doona dawladda Federaalka ah.
C. Madashu waxa ay go’aamisay in xarun walba oo doorasho la geeyo 3 xubnood oo guddiga xallinta khilaafaadka ah, waxayna ku go’aan qaadanayaan cod hal dheeri ah.
D. Madashu waxa ay go’aamisay in ciddi cabasho qabta ee u gudbaya guddiga xallinta khilaafaadka la furi karo oo keliya marka qofka cabashada qaba bixiyo khidmadda furidda gal-dacwadeedka $1,000 (kun oo doolar).
5. Arrimaha haweenka murrashaxiinta ah ee u tartamaya labada aqal:
A. Sidoo kale, waxay Madashu ku adkeynaysaa odayaasha dhaqanka iyo guddiyada doorashada inay xaqiijiyaan arrimaha soo socda:
B. Xubnaha xildhibaannada Golaha Shacabka ee la doortay 30% waa in ay ahaadaan haween.
C. Afarta beelood, beeshiiba haweenka la doortay waa in ay noqdaan 18 xubnood (4X18=72).
D. Beesha shanaad haweenka la doortay waa in ay noqdaan sagaal (9) xubnood.
E. Si sare loogu qaado fursadaha haweenka ee doorashada 2016, Madashu waxa ay go’aansatay in khidmadaha murrashaxnimo ee haweenka hoos loo dhigo 50%, si loo dhiirrigeliyo taabbagelinta qoondada haweenka ee Baarlamaanka Federaalka
F. Ergada doorashada ee beel walba oo ah 51 xubnood ugu yaraan 30% waa in ay noqdaan haween.
G. Xubnaha loo soo sharraxayo Aqalka Sare, 50% waa in ay noqdaan haween.
6. Arrimaha Beesha Banaadiriga:
A. Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka, isagoo la tashanaya odey-dhaqameedyada beelaha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday-dhaqameed iyo nabad-doonnada beesha, waxa uu soo magacaabayaa afarta (4) xubnood oo ah guddiga doorashada ee beesha Banaadiriga;
B. Seddexda (3) oday-dhaqameedyada Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday, iyagoo la tashanaya Ra’iisal-wasaaraha xukuumadda iyo Guddiga Doorashada Beesha Banaadiriga, waxa ay soo xulaayaan 21 Ergo-doorasho oo ku saleysan toddobo beel hoosaad oo min saddex xubnood ah (7X3=21).
C. Ergada-doorasho ee ah 21 xubnood ayaa u codeynaya musharrixiinta u tartamaya in ay ka mid noqdaan Aqalka Sare’
D. Odayaasha dhaqanka Beesha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta xubnood oo la tashanaya nabadoonnada beelaha Banaadiriga ayaa soo magaacabaya musharrixiinta u tartameysa Aqalka Sare.
E. Ugu dambeyn, waxa odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay qaybinta kuraastaasi ka soo wada tashadaan meel-marinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
7. Shuruudaha codeynta:
A. Doorashada halkii kursi ee Golaha Shacabka waxaa ay ansaxeysaa marka ugu yaraan laba murrashax u tartamaan.
B. Madasha waxa ay go’aamisay in 51 ergada u codeyneysa halkii kursi ee Golaha Shacabka ay dhammaantood goob-joog ku noqdaan xarunta doorashada ka dhaceyso si ay u codeeyaan.
C. Haddii beesha kursiga leh ay tirada 51 ergo buuxin weydo, dib baa loo dhigayaa kursigaas, waxana la siinayaa fursad ay ku soo dhammeystiraan tirada 51 ergo muddada doorashadu socoto,
D. Haddii aysan buuxin tirada ergada 51 ee u codeyneysa kursiga xubinimada golaha shacabka muddada doorashadu socoto, kursigaas waa la laalayaa.
8. Arrimaha Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan:
A. Madashu waxey xakuumadda federaalka ah ku adkeyneysaa in la xaqiijiyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inta ka horreysa xilliga doorashada.
9. Kuraasta Aqalka Sare ee beelaha Somaaliland:
Madasha Madaxda Qaranka oo tixgalineysa go’aanadii ka soo baxay shirkii Baydhabo, kuna saabsanaa xallinta saami-qeybsiga iyo hannaanka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo sidoo kale heshiiskii 12 April 2016 doorashooyinka dadban ee 2016-ka & hannaanka dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo qeexaysa “Maamul-goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxay samaysanayaan qaab ay kuraasta ugu qaybiyaan beelaha/dadyowga ama degaannada, qaabkaas oo ah mid isu dheell-itiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinayo in dadka laga tirada badan yahay helaan metelaad ku filan. Madashu waxay go’aamisay in qoondada 3-da kursi ay qoonda ahaan u leeyihiin beelaha Sool, bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo hal kursi ka mid ah ay leeyihiin beelaha laga tira badan yahay ee deggan degaannadaas.
Waxay sidoo kale Madashu go’aamisay in laba xubnood lagu kordhiyo tirada kuraasta ay qoonda ahaan beelaha Somaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Baarlammaanka Federaalka.
Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka ayaa loo xilsaaray in qaybinta kuraasta ay ka soo wada tashadaan, meel-marinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan xafiiska Madaxweynaha Federaalka Somalia, Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka iyo xafiiska Ra’iisal-wasaaraaha Soomaaliya.
1. Arrimaha jadwalka doorashada:
Madashu waxay ay ansaxiyeen jadwalkan waqtiyeysan ee doorashada 2016ka ee ay soo gudbiyeen GFHDD:
A. Doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay dhacdo 25ka September
B. Doorashada xubnaha Golaha Shacabka in ay dhacdo September 24-10ka October
C. In xildhibaannada la dhaariyo 20ka October
D. In la doorto Guddoonka Baarlamaanka 25ka October
E. Doorashada Madaxweynaha in ay dhacdo 30ka October