X
    Categories: Warar

Qoraalo Uu Baahiyay Wakiilkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Cadhaysiiyay Dawladda Imaaraadka

Dubia(ANN)-Xukuumadda Dalka Imaaraadak Carabta, ayaa ka cadhootay qoraalo aan waafaqsayn anshaxa dublamaasiyada oo lagu dhaliilay siyaasada dawladda Imaaraadka Carabta ee ku waajahan Somaliland iyo mashaariicda ay ka fulisay,

 

Qoraalada ka cadhaysiiyay Dawladda Imaaraadka Carabta oo xidhiidh qota-dheer oo taariikhi ah uu ka dhexeeyo, isla markaana mashaariic waaweyn iyo heshiisyo la gashay Xukuumaddii hore ee KULMIYE ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii y hore Axmed Siilaanyo, oo ay sii anabaqaaday Xukuumadda Madaxweyne Biixi, kuwaas oo ay ka mid yihiin heshiis maalgashi ee DP World iyo mashaariic kale. Sidoo kalena muujisay taageerada shacbiga Somaliland marar badan oo masiibooyin abaaro iyo duufaano ka dhaceen geyiga Somaliland.

Hase yeeshee Masuuliyiinta Xukuumadda Imaaraadka, ayaa u qaadan waayay qoraalo ay si weyn uga cadhoodeen oo uu bartiisa Twitterkiisa ku baahiyay wakiilkii hore ee Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne u magcawday dalka Imaaraadka, Hassan Yassin (Xaan  Yaasiin Cabsiiye)  oo xilligaa  lagu bedelay Ambassador Baashe Cawil oo si weyn uag dhexmuuqday xidhiidhka taariikhiga ee laba bulsho ee isu bedelay wax-wada qabsiga iyo mashaariicda heshiisyada dhexmaray labada Dawladood ee Somaliland iyo Imaaraadka.

Wakiilka uu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday bishii March ee sannadkii hore ee 2019, kadib markii ay is fahmi waayeen masuuliyiinta dalka Imaaraadka oo saluugay magcaabistiisa iyo in uu Wakiil u ahaado Somaliland, waxaana lagu beddelay Ambassador Muniir Xaaji Cabdullaahi Abu-site, oo kasoo jeeda qoys si weyn looga yaqaan geyiga Soomaalida oo ganacsato ah, balse aan ka madhyn siyaasada, kaas oo noqday Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.

Hase yeeshee masuulka xilka laga qaaday, ayaa bilaabay qoraalo canbaarayn ah oo ku waajahan xukuumadda dalka Imaaraadka iyo masuuliyiinta dalkaa, isagoo Qoraaladaa oo u muuqday kuwo lagu wiiqayo xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka ku baahiyay bartiisa Twitterka, isagoo isticmaalaya magaca Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland

Xukuumadda Dalka Imaaraadka, ayaa masuuliyiinta Somaliland marar badan kala soo xidhiidhay sababta uu wakiilkoodii hore oo sita Magaca Ambassador Hassan Yassin (Xasan  Yaasiin Cabsiiye), uga faafiyay dacaayadaha iyo qoraalada af-lagaagada ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa ka bixisay qoraaladaa raaligelin, waxayna wararku sheegayaan in xukuumadda Imaaraadka lagu wargeliyay in Ninkaas oo aannu xilligan ka tirsanyn wasaaradda Arrimaha Dibedda oo aannay la socon arrintiisa, balse xukuumadda Imaaraadka kuma niyad samaan jawaabtaa sida ay sheegayaan xoggaha aannu ka helay arrintan.

AKHRI: Somaliland Iyo Shirkadda Dp World Oo Kala Saxeexday Mashruuc

Qoraalada uu baahiyay Cabsiiye oo ku qoran luqada Carabiga, wuxuu ku dhaliiyay siyaasada dawladda Imaaraadka Carabta iyo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland, isagoo si gaar ah usoo qaatay mashaariicda ay ka wado gudaha Somaliland iyo kuwo ay hore u balanqaaday oo uu sheegay in aannay fulin iyo waxyaabo kale, balse lama ogga saamaynta ay qoraalada ay dhibsadeen dawladda Imaaraadku ku yeelan karaan xidhiidhka iyo iskaashiga labada dawladood ee Somaliland iyo Imaaraadka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post