Araweelo News Network
doodaguurtida

Hargeysa (ANN)- Somaliland iyo dalalka qaadhaan-bixiyayaasha ka shaqeeya arrimaha dimoqraadiyadda, ayaa ku heshiiyey samaynta gole afar-gees ah oo ka shaqeeya qabsoomidda doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Wefti ka socday xukuumadda KULMIYE oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo socdaal qaatay muddo laba maalmood ah ku tagay dalka Kenya toddobaadkan, ayaa shirar ay la yeesheen wakiillo ka kala socday waddamada ka taageera Somaliland arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta waxa layskula qaatay in la sameeyo guddi ka kooban dhinacyada doorashooyinku khuseeyaan ee Somaliland iyo qaadhaan-bixiyayaasha caalamka si looga shaqeeyo in muddo-kordhinta xukuumadda lagu saleeyo heshiiska saddexda xisbi, xukuumadda iyo Komishanku ku wada gaadheen in doorashada madaxtooyada la qabto 10-ka October sannadkan.

Muuqaalka kulanka

Muuqaalka kulanka

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Axmed Xaashi Cabdi oo warbaahinta uga warramay safarkooda , ayaa sheegay in shir aad u ballaadhan oo qayb ka ahaa saddex kulan oo ay la qaateen dalalka qaadhaan-bixiyayaasha caalamka, kana safiirro iyo wakiillo matalayey ilaa toban waddamada galbeedka ee taageera hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland, kaas oo ay hoggaaminaysa Safiirka Denmark u fadhida magaalada Nairobi Ambassador Mette Knudsen ay ka soo baxeen go’aamo muhiimad weyn u leh qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
“Waxaannu isla qaadannay in la sameeyo gole wadashaqayneed oo ka kooban qaadhaan-bixiyayaasha, xukuumadda, saddexda xisbi qaran iyo Guddiga Doorashooyinka oo ah cidda doorashooyinka qaabilsan oo baarlamankuba ku jiraan oo halkaa laga wada shaqeeyo, markaa meel looga soo wada jeesto qabsoomidda doorashada muddadaas la qabtay, waana tallaabo xagga horumarka loo qaaday, waxaanay soo celisay kalsoonidii laga qabay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo qabsoomiddii doorahsooyinka, maadaama dardargelinta wada-shaqayntii qabsoontay, waxana shirka ugu horreeya lagu qaban doonaa horraanta bisha March,” ayuu yidhi Md. Axmed Xaashi.
Wasiir-ku-xigeenku waxa uu sheegay in wakiillada adduunku u muujiyeen walaaca ay ka qabaan dib-u-dhacyada doorashooyinka Somaliland ku yimaad, waxaannu yidhi, “Sidaad ka war-qabtaan waddamada innaga caawiya doorashooyinka ama deeqaha caalamiga ahba had iyo jeer waxay daneeyaan qabsoomidda doorashooyinka, taas oo dawladduna la qabto in doorashooyin la qabto oo dawlad lagu soo doortay si dimoqraadi ah timaad Somaliland, sababta oo ah waxaynu dheernahay waddamo badan oo innagu xeeran waxa weeye doorashooyinka oo aynu magac ku yeelannay, markaa waxay walaac ka muujiyeen dib-u-dhacyadii hore inoo soo maray iyo tan waqtiga cusub la qabtay inay muddadeeda ku qabsoomayso.”
Waxa kaloo uu shaaciyey in xukuumaddu olole badan ka gashay sidii muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u samaynayo loogu salayn lahaa waqtiga lixda bilood ah ee ay isla qaateen xisbiyada iyo xukuumaddu, waxaannu shaaca ka qaaday in qoraal lagaga dalbanayo muddo-kordhinta iyo asbaabaheeda loo gudbiyey Aqalka Odayaasha.
“Runtii markaannu aad u wadahadalnay waxaannu ku qancinnay; kow, dawladda inay ka go’an tahay inay doorasho dhacdo oo waqtigaa marka hore ay gogosha ugu fidisay saddexda xisbi qaran ee ay ku heshiiyeen inay ka go’an tahay in doorashadu qabsoonto, ciddii ay khusayso sida Golaha Guurtida-na loo gudbinayo oo hadda warqadeedii la qoray oo sidaan filayo maantaba loo gudbiyey, dawladduna xataa ka hawgashay inay kala hadasho shirguddoonka sidii waqtigaas la isla gaadhay iyagoo Golaha Guurtidu iska leh go’aanka kama dambaysta ah ee waqtiga doorasho la qabanayo ama cayimaaddeeda, haddana xukuumaddu waxay ka hawlgashay sidii y ugu qanci lahayd inay tixgeliyaan go’aankaa ay wada gaadheen saddexda xisbi iyo xukuumaddu. Taas waannu u sheegnay waddamadaasi inay innaga go’an tahay oo aannu ka shaqaynayno sidii hawshaasi u fuli lahayd.
Waxa kaloo aannu u sheegnay in wixii dhaqaale ah ee ku xidhnaa dawladdu bixisay, waxaas oo dhamina ay caddaynayaan siday xukuumadda uga go’an tahay inay doorasho dhacdo waqtigaa loo cayimay, iyaguna markii dambe way naga qaateen, waxaannuna go’aan ku wada qaadanay in laga wada shaqeeyo muddadaa la qabtay sidii doorashadu uga dhici lahayd Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.
Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in qodobada kale ee ay ka wadahadleen dublamaasiyiinta reer galbeedka ay ka mid ahaayeen dib-u-bilaabidda wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, abaarta baahsan ee ka jirta Somaliland iyo gurmadka looga baahan yahay qaadhaan-bixiyayaasha, sidii loo sii wadi lahaa mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF iyo heshiiska saldhigga millatari ee Berbera laga siiyey dawladda Imaaraadka Carabta oo ay warbixin ka siiyeen.
“Guul bay ahayd u soo hoyatay Somaliland xagga siyaasadda, dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo kalsoonida lagu qabo xukuumadda wadashaqaynta mustaqbalka iyo dimuqraadiyadda doorashooyinka innagu soo socda,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Axmed Xaashi Cabdi