X
    Categories: Warar

Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Raysal Waasaraha Somalia Iyo Nuxurka Uu Xanbaarsanyahay

Mogadishu(ANN)Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh, ayaa lagaga hadlay arrimo xaasaasi ah oo ay ka mid yihiin Wasiiro sheegay in ay qoraan Qoraal ay raysal Wasaaeaha kaga codsanayaan inuu is casilo iyo xiisada siyaasadeed ee khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu muujiyay mawqifka Raysal Wasaaraha iyo xaalada dalku marayo. Wuxuuna u qornaa qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Somalia sidan:-
“Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasiir ka tirsan xukuumadda oo sheegay in 14 wasiir ay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen warqad ay kaga dalbanayaan inuu is casilo, waxaana xafiisku sheegay in warqadaas aysan soo gaarin.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda markuu arkay qodobka 97-aad ee Dastuurka Soomaaliya faqradihiisa 1,2,3 iyo 4-aad. Markuu arkay Qodobka 100-aad farqradihiisa (a) iyo (b) Markuu tixgeliyey waqtiga adag ee dalku marayo, wuxuu go’aamiyay:

• In xubnaha Golaha Wasiirada oo ah awoodda fulinta dalka ay howlahooda shaqo u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada dalka, isla markaana aanay qeyb ka noqon khilaafka iyo dhibaatada la doonayo in lagu naafeeyo dadaalka xukuumadda iyo qorshaha hiigsiga cusub ee 2016.

• Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya wuxuu si cad u xaqiijinayaa inuu u taagan yahay maslaxada dalka iyo horumarinta danta guud ee Qaranka, isla markaana uusan aqbali doonin wax alla wixii ka horjeeda Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla ee la doonayo in lagu kala daadiyo dowladnimada Soomaaliya iyo mustaqbalka u soo ifaya dadka iyo dalka.

• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dib ugu xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed inuusan ka leexan doonin wadada sharciga ah, wuxuuna uga mahadcelinayaa dadweynaha, Xildhibaanada iyo guud ahaan shacabka taageerada ay siiyeen xukuumadda iyo hoggaankiisa.

• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dhammaan xubnaha Golaha wasiirada ku adkeynayaa inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan ummadda, kana digtoonaadaan inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta sharciga iyo dowladnimada; wuxuuna diyaar u yahay inuu aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey.

• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu soo dhoweynayaa dadaalka ay wadaan beesha caalamka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay u hayaan qaranimada iyo in sharcigu sarreeyo.
Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar labaad ku adkeeyey xubnaha golaha wasiirada in howl maal meedka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed si habsami ah u gutaan si dalka loo gaarsiiyo himilada 2016.

—DHAMMAAD—-
Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post