X

Qoraagii Weynaa Siciid Jaamac Oo Geeriyooday

Siciid Jaamac Xuseen Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

London(ANN)-Allah ha u naxariistee, waxa caawa dalka Uk ku geeriyooday Qoraagii weynaa Siciid Jaamac Xuseen oo ka mid ahaa haldoorka Aqoonyahanka Soomaalida, isla markaana ka mid ahaa tiirarka ugu muhiimsan ilaalinta iyo tayaynta Af-soomaalitga.

Qoraa Siciid Jaamac oo dadka qaar u yaqaaneen Siciid Gucmadu, ayaa muddo saddex toddobaad ku dhow lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad cusbitaal ku yaal dalka Uk, halkaas oo uu ku geeriyooday xalay .

Allah ha u naxariistee, qoraa Siciid Jaamac, wuxuu lahaa bugaag sheekooyin iyo qoraalo tiro baddan, waxaana intii uu noollaa qaar baddan oo ahaa saaxiibada aqoonta u lahaa iyo haldoorka bulshada Soomaalida iyo shaqsiyaad kaleba kaga sheekeeyeen qoraalo ay ku qirayaan shaqsiydiiisa, hal-abuurnimadiisa, dadnimadiisa iyo dedaalkiisa hagar la’aaneed ee horumarinta dhlinyada iyo doorkii uu ku lahaa degelada aqoonta.

Marxuumka oo taariiikhdiisa ay si fiican uga sheekayn doonaan saaxiibada ugu dhowaa iyo bahdiisu, waxaynu kusoo qaadan doonaa qormooyin si faah-faahsan uga hadlaya.  Marxuumka waxyanu Allah uga baryaynaa denbi dhaaf iyo in Allah naxariistiisa ugu deeqo oo jannafardawsa ku casuumo, qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo Bulshada Soomaalidana samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Inaa lilaah wa inaa Ilayhi raajicuun.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post