X
    Categories: Warar

Qool-caday Muran Iyo Mad-madaw Muddo Hadheeyay Kadib Mashruucaa Oo La Dhagax-Dhigay

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Wasiirro ka tirsan xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxda qaar ka mid ah axsaabta Qaranka, ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay bilowga riig biyo ka soo saaraya Banka Qool-caday ee Koonfurta caasimadda Hargeysa oo qayb ka ah mashruuc la doonayo in horumarin iyo xidhitaan dhul-daaqsimeed lagaga sameeyo deegaankaasi.
Mashuuruucan oo qayb ka ah mashaariicda Sanduuqa Caawimooyinka Somaliland (Somaliland Develepment Fund) oo loo soo gaabiyo (SDF), waxa hore loo sheegay inuu ku kacayo dhawr Milyan oo dollar, waxa marar baddan ka dhashay buuq, iyadoo si weyn farta loogu fiiqo musuq-maasuq hadheeyay mashaariicda caawimooyinka ee SDF, balse waxa munaasibada xiligan loo qabtay ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Khayraadka Biyaha, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Qorshaynta Qaranka iyo Guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo KULMIYE โ€“ Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale, ayaa xaflad ka dhacday Banka Qoolcaday shalay kaga qaybgalay dhagax-dhigga riigga biyaha ka qodaya, taas oo sidoo kalena ay goob-joog ka ahaayeen madaxdhaqameed, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaankaasi.
Madaxdhaqameed iyo odayaal ay ka mid yihiin Suldaan Axmed Cisman Cadde-gude, Suldaan Maxamed Xasan, Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, oday Axmed Ismaaciil (Ina Bidhiidh) oo isagu ku hadlayey afka dadka deegaanka, ayaa hadallo ay ka jeediyeen dhagax-dhiggaasi ka sheegay in qorshihii iyo ballankii hore loo galay ee ahaa in mashruuca laga faaโ€™iidaysanayo la fuliyo uu sidiisii yahay oo aan laga bixin, isla markaana bulshada deeganka si diiran u soo dhawaynayso maadaama uu yahay mid waxtar u leh.
Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay in riiggani muddo shan iyo labaatan casho gudahood ah biyo kaga soo saari doono deegaanka laga qodayo ee Banka qoolcaday.
Sidoo kale, Wasiirrada Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Qorshaynta Md. Cali Salaan Jirde (Shoombe) iyo Caafimaadka Dr. Saleebaan Axmed Xaglo-toosiye, ayaa iyaguna ka warramay qorshaha mashruuca horumarinta Banka Qoolcaday iyo faaโ€™iidooyinka kala duwan ee uu u leeyahay bulshada deegaanka iyo guud ahaan dalka Somaliland, si gaar ah waxay tilmaamo uga bixiyeen biyaha iyo muhiimada ay leeyihiin, waxaanay ku dhiirrigeliyeen shacabka inay soo dhaweeyaan oo ay kala shaqeeyaan dawladda sidii uu u guulaysan lahaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post