X
    Categories: Warar

“Qolada KULMIYE, Waxaan Leenahay Waar Muraayadaha Cagaaran Iska Dhiga Dalka Waxa Ka Jirta Abaar, Waa In Dadka La Badbaadiyaa.”Hoggaamiyaha WADDANI

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xaalada dalku ku jiro aanay muuqan jawi la yidhaahdo doorasho ha lagu qabto, maadaama ay jiro xaalad abaareed oo ku baahday dalka oo dhan.
Hoggaamiyaha WADDANI, wuxuu dhaliilay hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay gashan yihiin muraayado cagaaran, wuxuuna ku baaqay in gamcaha lays qabsado oo la badbaadiyo dadka iyo Xoolaha.
Mr. Xisri oo ka hadalayay kulan Xisbiga WADDANI u sameeyey dhallinyarta Aqoonyahanka ah oo falan-qeynaayey barnaamij siyaasaddeedka Xisbiga WADDANI, oo lagu qabtay Hargeysa xalay, wuxuu sheegay in xaruntooda Kaanbaynku aanay ahayn Oodweyne ee ay noqonayso Gebilay, isla markaana ay haggayaan dhalinyaro aqoonyahan ah.

“Dhallinyartii halkan ka soo jeedisay barnaamijku aad iyo aad bay u mahadsan yihiin. Xisbiga himiladdiisa koowaad na waa in uu dalka iyo dadka dhiso, waa in uu diinteena sharafta badan dhiso, markaa himilooyinka noocaas ahi waxa ay ku qoran yihiin barnaamijka Xisbiga WADDANI, waana aad dhugan doontaan haddii Alle idmo. “.Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Halkan Ka Daawo qudbada Xirsi oo dhamaystiran:-

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post