Khuburada Caafimaadka Aduunku Maxay Ka Yidhaahdeen?
Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist
Hargeysa(ANN)-Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo safka hore kaag jiraan Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, oo dhammaantood saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.
Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu caabuqan oo loo soo gaabiyay, ama loogu magacdaray COVID-19, so degdeg ah ugu soo faafay halkaa kadibna wuxuu ku faafay dunida oo dhan.
Coronavirus, wuxuu sababay agoo in ka badan 3,161,193 asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 219,280, halka 974,734, oo qof kasoo kabteen.
Sida ay sheegayan xarumaha Caaimaadka ee lagu ururiyo tirada caabuqa Caabuqa COVID-19, qiyaastii 1,967,179, qof ayaa haatan la ildaran xannuunka, waxaana la xaqiijiyay in 56,831, qof oo ka mid ah tiradaa ay ku jiraan xaalad adag.
Tirada guud ee dunida oo dhan wuxuu dalka Maraykanku ka noqoanyaa saddex meelood oo meel, halka dhimashadana uu ka noqonayo Afar meelood oo meel, marwalaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla oonmarkaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay.
Tan iyo markii uu soo baxay Caabuqa Cotonavirus, waxa soo baxay su’aalo ka dhalanayay qaabka loo kala qaadayo oo aannay khuburada Caafimaadka iyo Dhakhaatiirts Caafimaadka iyo xeel-dheerayaasha Saynisku isku waafaqsanayn.
waana sababta keentay in Maydadka dadka Ehelkooda ah loo diido marka uu qofku u dhinto caabuqa, sida ay xilligan marba marka ka danbaysa usoo baxaayaan waxyaabo cusub oo laga oggaanayo caabuqa Coronavirus, oo astaamaha hore loo sheeciyay ee lagu garto aannnay dadka qaarkood ka muuqanayn.
iyadoo aannay jirin cid weli jawaab u haysta in Caabuqa CIVID-19 uu gudbin karo qofka Maydka ah, balse ay qabaan taas khuburo badan oo dhanka caafimaadka ku xeel dheer, walaw ay jiraan kuwo arragtidaa aan la wadaagin.
Cabdisa ka dhalatay caabuqa iyo qaabka uu u faafayo iyo doodaha aan laysku raacsanayn ee ah in Maydku gudbino Coronavirus, ayaa sababtay in dalal badab, iyagoo xadidaya faafitaanka, waxay diideen in maydka loo ogolaado inay aastaan ehelkiisu iyo inay arkaan toona dadka ka tirsnaa qofka dhintay.
Hase yeeshee maalmaahn danbe waxa muuqata in lala sii qabsanayo xannuunka cabsidii weynayd ee laga qabay, taas oo khuburada dhanka caafimaadka qaarkood ku dodoayeen in cabsidaasi sabab u noqtay inay dad badan qaadaan xannuunka, sababtoo ah marka ay dareemaan cabsida waxa hoos u dhacaya difaacooda, taas oo u nuglaysay in uu haleelo caabuqa COVID-19.
Sidaa awgeed waxa lagu macneeyay dunida oo dhan, Covid-19 inuu kaga tegayo muuqaallo foolxun iyo xusuus aannay ilaabi karin qoyasas badan iyo saaxiibo badan oo Coronavirus uu dilay ehelkooda, aabayashood, saaxiibadood, Hooyooyinkood , walaalahood, xaasaskoodii, qaar ka mid ah qoyskooda, ama saabiixo kale oo ay jeclaayeen,dhintay kuwaas oo aannay awoodin ama aanay fursad u helin innay u murugoodaan, aasaaan, ama ay sii sagootiyaan.
Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), illaa inta taxadarka lagama maarmaanka ah la qaadayo, majirto sabab looga baqdo Covid-19 in uu faafin karo meydku.
Fayriska ‘Sars-CoV-2’, oo mas’uul ka ah cudurka, ayaa inta badan laga qaadaa dhibcaha ay sii daayaan bini’aadamka, tusaale ahaan marka la hadlayo, hindhiso ama la qufaco.
Si kastaba ha noqotee, waxay ku noolaan kartaa ilaa maalmo dhowr ah meelaha dusha adag.
William Adu-Krow, Afhayeen u hadlay Urur Caafimaadka oo Maraykana ah loona yaqaan (PAHO / WHO), ayaa sheegay in ilaa iyo hada, aannay jirin wax caddaymo ah oo muujinaya in maydadka dadka u dhintay Coronavirus ay gudbinayaan fayriskan,
“Marka aynu sidaa leennahay, kama dhigna, oo taas macneheedu maaha inaan feyriskan la is qaadsiinayn, waayo, mararka qaar waxaabad jeceshahay inaad dhunkato qofkaas, ama wax la hal maala oo kale, sida darteed waa innaynu weli sii joogtaynaa iska ilaalintii iyo is xakamayntii’ ayay ku dareen khubaradu.
Talooyinka Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, ay faafisay bishii March, ayaa lagu sheegay “marka laga reebo xaaladdaha xanuunnada lagu magacaabo ‘haemorrhagic fevers’ oo ay ka mid yihiin (sida Ebola, Marburg) iyo daacuunka, maydadku guud ahaan ma aha xanuun gudbye.
Meelaha qaar, tirada dhimashada ah ee la xidhiidha’Covid-19′ ayaa horseeday qalalaase ka dhacay shirkadihii aaska, kuwaas oo awoodi waayay innay hashooda gutaan.
iyadoo in la raaco tilmaamahi kala fogaanta bulshada, aaska ayaa laga mamnuucay dalal dhowr ah. Qaar kale wali way oggol yihiin, laakiin imaanshaha iyo inay dadku ka qayb galaan jinaasada ayaa ah mid xaddidan.
Dawladda Britain, ayaa maalmihii u danbeeyay ogolaatay inay dad kooban ka qaybgeli karaan qofka Ehelkooda ah ee u dhintay Coronavirus.
Sidoo kale, dalal dhawr ah oo ka tirsan Yurub, ayaa aqbalay in Maydka ay gaar u aastaan oo waafajiyaan dhaqankooda iyo Diintooda Bulshooyinka kala duwan, taas oo ay aad ugu farxeen Bulshooyinka Islaamka ee ay kow ka tahay Soomaalidu.
WHO waxay leedahay qoyska iyo asxaabta qofka dhintay waa ay daawan karaan aaska, illaa iyo inta ay ilaalinayaan xaddidaadaha qaarkood.
“Ma aha inay taabtaan ama dhunkadaan jidhka, waana inay gacmahooda si buuxda ugu maydhaan saabuun iyo biyo ka dib daawashada, waa inay jidh ahaan ka fogaadaan fogaan gaadhsiisan ugu yaran 1m” sidaas ayay tilmaamuhu sheegayaan.
Dadka habdhiska neefsashada wax ka dareemaana, waa in aannay ka qaybgelin ama ugu yaraan waa in ay xidhaan Gafuur-xidhka wajiga si looga hortago faafintaanka, ayay raaciyeen
Sida oo kale, carruurta, dadka waaweyn ee da’doodu ka weyn tahay 60 sannadood, waxaa looga digay in aannay falgal toos ah la yeelan jidhka qofka u dhintay xannuunkaa Coronavirus.
WHO waxa ay sida oo kaloo sheegtey in aasitaanka iyo gubbidduba ay labaduba yihiin wax la aqbali karo.
Waxaa jirta sheeko xariiro, sheegaysa in dadka u dhinta xannuunta isaga gudba dadka, ay tahay in maydkooda la gubo, tani dhab ma aha ayaa la leeyahay, Gubitaanku waa dhaqan gaar ahaaneed oo qowmiado gaar ah la xidhiidha dhaqankooda.
Aaska ayaa marka horeba lagu kala duwanaa, iyadoo Islaamka iyo Kisiristanka iyo Yuhuudu ay aasaan qofka markuu dhinto, kuwani waa ehlu kitaabta laakiin waxa jira kuwo marka horeba maydka gubayay, sida Hinduuga iyo Buudhisamka, sidaa awgeed dad badan oo Muslin ah, oo ay Soomaalidu ka mid tahay, ayaa dalaka ay ku nool yihiin ee xannuunkan asiibay waxay hadda dalbadeen in Mayadadkooda loo siiyo gaar si ay u aastaan oo u waafajiyaan sunaha islaamka.
Sidaa awgeed kuwa u xilsaaran budhigidda maydka, ama dhigaya Iilka, marka la dhigayo qabriga, waxa ay dhakhaatiirtu kula talinayaan inay xidhaan Gafuur-xidhka, galoofyada gacmaha, si buuxdana gacmahooda u maydhaan ka hor iyo ka dibba, isla markaana tuur Gafuur-xidhka iyo galoofyadaas, marka laga yimaado aaska.
Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, waxay leedahay “sharafta dadka dhintay, dhaqankooda iyo diintooda, iyo qoysaskooda waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyaa mar kasta”.
Si kastaba ha ahaatee waxa xaqiiq ah in dadka u dhintay coronavirus aan la marin habkii loo aasi jiray dadka dhintay looguna samayn jiray , kuwaas oo lasii sagootin jiray si sharaf leh, ayay WHO tidhi – waxayna sheegtay in loo oggolaado in dadku dadka ay jeceyl yihiin si wacan ula murgoodaan.
“Maamulladu waa in ay ku maarreeyaan xaalad kasta, waana innay isku dheellitiraan xuquuqda qoyska, baahida loo qabo in la baadho sababta dhimashada, iyo halista la kulanka cudurka, “ayay tidhi hay’adda WHO.