X
    Categories: Warar

Qodobo Kasoo Baxay Heshiis Saddexda Xisbi Qaran Iyo Guddida Doorashooyinka Qaranku Ka Gaadheen Arrimaha Doorashooyinka Oo La Mudeeyay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran Iyo Guddida Doorashooyinka Qaranku wada gaadheen maanta oo ah Arbaca, isla markaana Taariikhdu tahay, 25/01/2017, ayaa laga soo saaray qodobo la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka oo laysla qaatay mudada dib loo dhigayo iyo xiliga la qabanayo.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo

Qoraalka kasoo baxay kulanakaa oo ka kooban dhawr qodob, ayaa u dhignaa sidan:-

Shir ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo lagaga arrinsanyo muddaynta Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deeganka. Falanqayn iyo dood dheer ka dib, waxa si wada jir ah la isugu raacay qodobaddan hoos ku xusan:

1. In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday abaaraha baahsan awgeed, la qabto taariikhdu marka ay tahay 10/10/2017.

2. In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ay qabsoomaan isku wakhti, taariikhdu marka ay tahay 10/10/2018.

ka bilaw Bidix Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, dhexda Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo midig Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro.

Saxeexayaasha:

1. Mudane, Faysal Cali Xuseen Guddoomiyaha Xisbiga UCID

2. Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

3. Mudane, Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

4. Mudane, Cabdiqaadir Iiman Warsame Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka (Goobjoog)

Allaa Mahad Leh,

Axmed Maxamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post