X
    Categories: Warar

Qodobbada Kasoo Baxay Shirkii Gogol-xaadhka ah Ee Bilawga Wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa(ANN)-Shir loogu gogol-xaadhayey, isla markaana lagu doonayey in la gaadho heshiis guud oo fure u noqda in dib loo bilaabo wadahadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa la iskula qaatay qodobbo la xidhiidha sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallo ay Beesha Caalamku dhex-dhexaadiso.

Ma jiro war si rasmi ah uga soo baxay shirka ka soo qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya maalintii Salaasada ee taariikhdu ahayd 25 June 2019, balse ilo-wareedyo muhiim ah oo wargeyska Jamhuuriya la xidhiidhay, ayaa caddeeyey in masuuliyiinta ka socday dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha metelayey Soomaaliya ay si gooni-gooni ah shirar ula qaateen ergada ka socotay Beesha Caalamka, shirarkaas oo ka qabsoomay hudheel la yidhaahdo Windsor Hotel oo ku yaal magaalada Nairobi, iyadoo ay qolo walba Ergada caalamiga ah u soo gudbiyeen mawqifkooda khuseeya wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida ay tibaaxeen xogaha wargeyska Jamhuuriya ka helay Nairobi, markii ay shirarkaasi dhammaadeen waxa la iskula qaatay qodobbo kala duwan oo la xidhiidha sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo ay dowladda Somaliland ku qancisay Beesha Caalamka in dalka Turkiga oo qudha aannu dhexdhexaadin karin arrimaha ay labada dal isku hayaan, balse loo baahan yahay in la helo dhexdhexaadin caalami ah oo ay ka qaybgalaan dalal badan.

Qodobbada kala duwan ee ka soo baxay shirka ka qabsoomay dalka Kenya, waxay u dhignayeen sidan;

  • In la dardargaliyo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya
  • In Beeshu Caalamku ka qaybgasho dhexdhexaadinta labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya
  • In aanay Dowladda Turkigu keli ku noqon dhexdhexaadinta
  • In si toos ah looga wadahadlo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
  • Iyo in la sameeyo guddi isku-dhaf ah oo ka kooban Somaliland, Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ka wada-shaqeeya arrimaha khuseeya wadahadalka labada dal.
shirka wadahadalada Somaliland iyo Somalia

Somaliland waxay ku qancisay beesha caalamka in turkiga oo kaliye aanu dhexdhexaadin Karin arrinta labada geesoode isku hayaan

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen wefti culus oo ka socday Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin; Ergayga Gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Ambassador Alexender Rondos, Ergayga dowladda Sweden uga wakiilka ah arrimaha Geeska Afrika Ambassador Urban Andersson, Ergayga Khaaska ah ee Urur-goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland, Soomaaliya, Badda Cas iyo Gacanka-cadmeed Ambassador Mahamed Guyo, Ergayga Dowladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador  Olgan Beker, masuuliyiin iyo khubaro sare oo ka tirsan Mac-hadka Center For Humanitarian Dialogue, diblomaasiyiin ka kala socday dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Xafiiska Qarammada Midoobay ee UNSOM iyo aqoonyahanno kale.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post