X
    Categories: Warar

Qodobada Madaxweyne Siilaanyo Ku Sababeeyay In La Hakiyo Diiwaangelinta

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Kulan ay ka qaybgaleen shirgudoonka labada gole, hoggaamiyayaasha Axsaabta qaranka iyo Komishanka doorashooyinka oo lagu qabtay maanta qasriga Madaxtooyadda kaga dhawaaqay in la hakiyay hawsha diiwaangelinta doorashooyinka. kaddib kulan laga yeeshay xaalada Abaaraha ku habsaday dalka iyo duruufaha qalafsan ee ka jira inta baddan deegaanada galbeedka Soomaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo guddoominayay kulankaa ay ka qaybgaleen Shir Guddoonka Labada Gole Baarlamaan, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran, wuxuu ka akhriyey qodobada kasoo baxay kulankooda ee lagu sababeeyay dib u dhigista diiwaangelinta, kuwaas oo u dhignaa sidan:-
• Shirkan waxaan idinku yeedhay in aynu ka wada tashanno sidii aan isu waafajin lahayn Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha laga qabanayo Gobollada hadhay iyo Gurmadka bini-aadannimo ee inagala gudboon xaaladda abaaraha ka sii daraysa.
• Waxaan ku hambalyeynaya Guddida Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka sida ay isaga xil saareen taabba-galinta Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha, waxaana waajib ah in aynu dhammaystirno mashruucan sidii loogu talo galay innagoo midaysan.
• Waxaan idiin caddaynaya in ay Madaxweyne ahaan iga go’an tahay in aan dalkan ka suurtogaliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta xilligii loogu talo galay. Waxaan ka soo horjeeda sabab kasta oo dib u dhig keeni karta.
• Sidaad la socotaan, xaaladda Abaaraha ee dalku way ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambaysa. Sidaa darteed, waxa inaga saaraan masuuliyad Qaran iyo gurmad deg deg ah in aynu ka geysanno.
Haddaba, waxa isoo gaadhaya talooyin badan oo farta ku fiiqaya in loo baahan-yahay in wakhti kooban la hakiyo diiwaangalinta si loogu gacan baxo gurmadka abaaraha. Arrintaa darteed, waxaan jecelahay innaga oo aan is tuhmin in aynu talo wadaag ka yeelanno.
• Ugu dambayn, maadaama aynu ku jirno marxalad adag, waxaan idinkula dardaarmaya in aynu gees uga soo wada jeedsanno una midawno maslaxadda ummadda, danaha guud ee Qaranka iyo Gurmadka Abaaraha.
Ilaahay arrimahaa ha inoo sahlo, abaartana ha inaga jeediyo.. Aamiin..Aamiin
markaa kadib, waxa saxaafada si wada jira ula hadlay Shir gudoonka labada gole Baaarlamaan, iyo hoggaamiyayaasha Axsaabta qaranka, waxayna Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID, si cad u sheegeen in ay la qaateen go’aankaa Madaxweynaha, guurtida iyo Komishanka doorashooyinka, balse Guddoomiyaha WADDANI, ayaa sheegay inaanay ku qancin soo jeedintaa oo aanay aqblayn go’aan lagu hakinayo hawsha diiiwangelinta doorashooyinka.
oo madaxweynaha ku hambalyeeyey go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay iyaguna ay ku raaceen kuna taageersan yihiin wixii shacbiga u dan ah, halka xisbiga Waddani ay u kala jabeen laba garab oo gdoomiye cirrona uu taageeray go’aankii Madaxweynaha sheegayna in wixii danta qaranku ku jiro wuu ku raacay madaxweynaha iyo Xubnihii isaga la xisbiga ahaa ee shirka ka soo qaybgalayna ay ku gacan saydheen gudoomiye cirro diideena in aanay la qabin go’aankiisa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post