X
    Categories: Warar

Qodobada kasoo Baxay Shirkii Somalia

Araweelo News Network
Mogadishu(ANN)Shir lagaga hadlayay sidii Somalia doorasho uga dhici lahayd iyo qaabka ay ku imanayaan Baarlaamka, ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho. kadib laba maamlmood oo shirkaasi u socday masuuliyiinta dawlada Federaalka iyo saraakiisha Maamul goboleedyada.

Munaasabada lagu soo xidhay shirkaas laguna shaacinayay war murtiyeedka ka soo baxay ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Madaxda maamul goboleedyada, wasiiro iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.
Waxaa la isku raacay qaabka ay udhaceyso doorashada bisha September ee soo socota, iyadoo madaxda ay saxiixeen qodobada ay isku raaceen ee ku qoran war murtiyeedka
Afhayeenka Madaxtooyada Daa’uud Aweys ayaa munaasabada ka akhriyay war murtiyeedka laga soo saaray shirka madasha wada tashiga Somalia.
Qodobada muhiimka ee ku jira war murtiyeedka ayaa ah in labo Guddi la magacaabayo oo ku saabsan doorashooyinka, kuwaasoo kala ah Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Qaran iyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.
Labada Guddi ayaa ka koobnaan doona min 17 iyo 11 xubnood, Guddiga hirgelinta doorashada heer qaran ayaa ka koobnaan doona 17 xubnood, kaasoo shan xubnood ay dowladda Federaalka soo magacaabi doonto, halka maamul goboleedyada ay ka imaan doonaan min labo xubnood.
Guddiga heer dowlad goboleed ayaa waxaa uu ka koobnaanaya 11 xubnood, 8 ka mid ah ayaa ka imanayaa Maamul goboleedyada, halka saddex xubnood ay ka imaanayaan dowladda Federaalka.
Magaalada Garowe ayaa la go’aamiyay in bisha May lagu qabto shirka arrimaha dastuurka, waxaana shirkaas ka horeyn doona shir ay yeelanayaan Madaxda Madasha wada tashiga qaran.
Halkan ka Akhriso War murtiyeedka:-

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post