X
    Categories: Warar

Qodobada Kasoo Baxay Shirka Djibouti Ee Somaliland Iyo Soomaaliya

War-murtiyeedka Ka Soo Baxay Shirkii Maanta Ee Dalka Jabuuti
Djibouti(ANN)-Shirkii heerka sare ahaa ee wada-tashiga labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ka qabsoomay dalka Jamhuuriyadda Djibouti 14 June 2020, kuna qabsoomay curintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo hoggaamiyayaasha kale ee Gobolka ee kala ah:
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, si dib loogu bilaabo wada-hadalladii ku saabsanaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ka soo baxay qodobadan:
 Hogaamiyayaashu waxay aqoonsadeen kaalinta muhiimka ee Jamhuuriyadda Djibouti kaga jirto nabadaynta Gobolka Geeska Afrika.
 Waxa la isla gartay in muddadii ka horaysay shirkan taariikhiga ah ay dhaceen dhawr wareeg oo wada-hadallo ah balse aan midho dhalin.
 Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wefti ay dib u bilaabaan wada-hadalladii labada dhinac, sidoo kale ay daba-galaan heshiisyadii iyo arrimihii hore loogu heshiiyey ee aan fulin.
 Waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in aan la siyaasadayn gar-gaarka dhinaca horumarka iyo maal-geshiga.
 Shirku waxa uu soo jeedinayaa in Djibouti noqoto goobta Shirarka Farsamo ka qabsoomayaan.
 Waxa la isla gartay in muhiimadda u saraysa ay leedahay danaha labada shacab ay ahaato xuddunta wada hadallada labada dhinac.
 Shirku waxa uu ku boorinayaa dhammaan ururada gobolka, qaaradda iyo caalamkaba in ay isugu geeyaan taageeradooda wada hadalladan.
War-murtiyeedkan waxa ku saxeexan Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Djibouti, 14 June 2020.
Dhammaad
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post