Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)-Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiiska saldhigga millatari ee madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera, kaasoo ay ku lammaan yihiin mashaariic dhinaca horumarka ah oo laga fuliyo Somaliland.
Heshiiska lagu saxeexay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta , waxa uu ka kooban yahay qodobo kala duwan oo qaarkood la qariyey, qaybo ka mid ahna saxaafadda loo akhriyey, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu faafhaahin ka bixiyey heshiiska labada dawladood kala saxeexdeen.
“Waxa heshiis ku kala saxeexday magaalada Abu Dhabi Dawladda Istu Taga Imaaraadka Carabta iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, heshiiskaas oo koobaya iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha dibadda, kaasoo ku salaysan go’aankii baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland (guurtida iyo wakiillada) ka soo baxay 12 February 2017,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.
Waxaannu intaas ku daray; “Heshiisku waxa uu ka kooban yahay qodobodan;
1. Dawladda Somaliland oo ogolaansho siisay in ciidammada dawladda Imaaraadka Carabta madaarka diyaaradaha ee Berbera
2. Dawladda Isu Taga Imaaraadka Carabtu oo ka dhisi doonta madaar cusub oo ku yaal magaalada Berbera oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka, taasoo macnaheedu yahay in ay Berbera yeelan doonto laba madaar. Jidka isku xidha magaalada Berbera iyo Tog-wajaale oo dhererkiisu yahay 250km, ayaa isna ka mid ah mashaariicda la fulin doono. Mashaariic kale oo la fulin doono waxa ay iyaguna la xidhiidhaan biyaha, tamarta, caafimaadka iyo waxbarashada. Mashaariicdaas waxa la fulin doonaa saddexda sanno ee soo socda (haddii Ilaahay yidhaah)
3. Dawladda Isu Taga Imaaraadka Carabtu waxa ay suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadiniinta reer Somaliland
4. Dawladda Isu Taga Imaaraadka Carabtu waxa ay taageeri doontaa shirkadaha maalgashiga ee Imaaraadku inay maalgashadaan Somaliland
5. Dawladda Isu Taga Imaaraadka Carabta iyo Dawladda Somaliland waxa ay iska kaashan doonaan dhinaca ammaanka
6. Waxa uu heshiiskani albaabo cusub u furi doonaa Somaliland iyo beesha caalamka
Waxa kaloo ay labada dhinac isla garteen in dawladda Isu Taga Imaaraadka Carabtu gargaar degdeg ah gaadhsiiso dadka ku tabaaloobay abaaraha ka taagan degaannada Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isaguna ka hadlay faa’iidooyinka ugu jira dalka Somaliland heshiiska ay la saxeexdeen dawladda Imaaraadka Carabta.
“Runtii maanta waa maalin weyn oo qiimo gaar ah u yeelan doonta taariikhda Somaliland, waxa uu heshiiskani faa’iido u yeelanayaa Somaliland, iyadoo ay noqonayso heshiisyadii koowaad ee caalami ah ee ay dunida horumartay amma dunida la ictiraafsan yahay ay la gasho Somaliland. Saldhigyadu qiimaha ay leeyihiin waa la garanayaa. Markaa saldhig millatari ayaannu siinay Imaaraadka Carabta, iyagoo noogu beddelaya mashaariic horumarineed oo ah mashaariicdii uu baarlamaanka Somaliland ansixiyey,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.
Waxaannun intaas ku daray; “Faa’iidooyinka aynu ka helaynaa oo ugu horeeya mashaariicda ay fulinayso dhismaha jidka iska isku xidhaya Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), iyadoo sidoo kale ay Somaliland heli doonto madaar labaad, waxaanan ugu bushaaraynaynaa ummadda Somaliland inuu sii adkaan doono xidhiidhka taariikhi ah ee aynu la leenahay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba faa’iido u leh Somaliland.
Heshiiska ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, ayaan si rasmi ah loogu soo bandhigin saxaafadda, iyadoo shir albaabadu u xidhan yihiin lagu kala saxeexday, maadaama uu heshiisku xambaarsan yahay qodobo ay muhiim tahay in aan la shaacin.
Hasa yeeshee, weriye ka tirsan telefiishanka qaranka Somaliland oo heshiiska arkay, waxa uu tilmaamay inay qodobada la qariyey qaar ka mid ah lagu caddeeyey in dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu ay iska kaashan doonaan sidii loo difaaci lahaa xuduudaha badda, dhulka iyo cirka ee dalka Somaliland, haddii ay weeraro gardaro ah kaga yimaadaan cid cadaw ku ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.