X

#Qaza: Israel Oo Sheegtay In C iidankoodu Xoog Ku Galay Guddaha #Khan_Yonis 

 

61 Maalmood Dagaalkii Ugu Cuslaa Oo Xamaas Iyo Israel Isku Waajaheen

#Araweelo_News_Network.

Khan Yonis(ANN)-Israa’iil ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay galeen Koonfurta magaalada ugu weyn ee Qaza ee Khan Younis.

Saraakiisha Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegaya in ciidamadooda ay gaadheen wadnaha Khan Younis, isla markaana ay magaalada hareereeyeen, iyagoo ku tilmaamay maalintii ugu darnayd ee dagaalku socday ilaa hadda.
Israa’iil ayaa sheegtay innay ballaadhisay duullaanka ay ku hayso Koonfurta Qaza, taasoo qayb ka ah howlgalka ay sheegeen in lagu cidhibtirayo dagaalyahanka Xamaas oo dalal baddan oo Maraykanka iyo xulufaddiisu ay ku tilmaamaan argagaxiso.

Laxidhiidha: Israel  Guuldarada Dagaalku Muxuu Ka Beddelay Mawqifkeedii Xamaas

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isagoo ka hadlayay Salaasadii xaalladda duullaanka cusub ee Ciidamadiisa, wuxuu sheegay in ciidamada dalkiisa ay ilaa hadda dileen ku dhawaad kala badh taliyayaasha Xamaas ee marrinka Qaza, balse ma soo bandhigin caddaymo muujinaya innay jiraan Saraakiil Xamaas ah oo ay dileen.

Dhanka kale, hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xaaladda ammaan ee Qaza ay sii xumaanayso saacadba saacada ka dambaysa. Iyadoo ciidamada Israa’iil ay xoog ku galeen Khan Younis oo ah Koonfurta Qaza, iyagoo halkaa isku waajaheen Xamaas.

Laxidhiidha:  Maraakiib Dagaal Oo Maraykanku Leeyahay Oo  Lagu Weeraray Badda Cas

Dadka shacabka ah ee Falastiin ayaa dhexda ugu jira dagaalka labada dhinac, iyadoo ay jirro rajo yar oo laga qabo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo rayid ah oo ku nool halkaa.
Israel, waxay arxandaro ah u garaacay dadka shacabka ah ee ku jira Xeryaha Qaxootiga, taas oo qaarbaddan ku khasabtay innay aamini waayaan xerayaha lagu quudiyo oo noqday kuwo Israel beegsato, iyadoo ku dooday in dagaalyahanka Xamaas ku dhuummanayaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post