X
    Categories: Warar

Qardho: Dhimashada Tobbaneeyo Qof Iyo Kuwo La Raadinayo Raq iyo Ruux

Qardho Muuqaalka Sawirka daadka kasoo jabay Dooxyo magaalada duleedkeedka ah oo sababay khasaare naf iyo maalba leh 28 April 2020, Araweelo News Network.

Qardho(ANN)- Roobab mahiigaan ah, ayaa sababay dhimashada ku dhowaad tebbaneeyo qof, kuwo kale oo raq iyo ruux aan la hayn, isla marakana sababy khasaare hantiyeed iyo inay qoysas badan ka barakacaan guruhooda magaalada Qardho ee Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Roobabka gu’ga oo si weyn loogu diirsaday, isla markaana maalmihii u danbeeyay ka da’ayay deegamada dhulka Soomaalida, ayaa xalay waxyeelo gaadhsiiyay Magaalada Qardho ee maamulka Puntland, kadib markii daad kasoo leexday dooxyo duleedka magaalada ah khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed geysteen.

 Wararka shebekadda Araweelo News Network, ka heshay dadka deegaanka, ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaadhay tobbaneeyo qof oo u baddan Caruur, dad badan oo kalena aan la hayn raq iyo ruux, isla markaana ay burbureen guryo badan, iyadoo daadka oo dhex qaaday magaalada uu waxyeelo u geystay dhimayaal Huteelo iyo guryo ay dad shacab ah deganaayeen.

Sidoo kale, daadka ayaa qaaday gaadiid badan, iyadoo ay burbureen meherado ganacsi oo dukaamo ah oo qaarkood dumeen, kuwa kalena uu qaatay wixii yaalay, sida ay shebakadda Araweelo News Network u sheegeen dadka deegaanka qaarkood.

sida ay sheegayaan wararka Araweelo News ka helay deegaankaa, weli waxa lagu jiraa gurmadka khasaaraha uu sababay daadka galay Magalaada Qardho, kaas oo aan weli si dhab sax loo hayn khasaaraha uu geystay ee dhabta ah.

Dhinaca kale, Duqa magaalada Qardho Cabdi Saciid Cismaan, ayaa dhimashada dadka ku sheegay in ay yihiin ilaa Lix qof oo saddex ka mid ah caruur yihiin, “Ugu yaraan 6 qof oo saddex ay carruur yihiin waa ay dhinteen, toban qof ku dhawaadna waa la layahay, ganacsigii magaaladana boqolkiiba sagaashan biyo ayaa la tagay. ”Ayuu ydhi, Duqa magaalada Qardho Cabdi Saciid Cismaan oo Khadka Teleefanka ugu waramay Weeriye Axmed Cabdi Jaamac oo ku sugan Garoowe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post