X

Qaraxyo Lala Beegsaday Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Yaaqshiid Iyo Askar Toogasho Lagu Dilay

Koox Al-shabaab ah Image Photo File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Al-shabaab oo sheegatay Dilka Askarta Suuqa Bakaaraha Iyo Qaraxa Taliye Xigeenka Ciidanka

Muqdisho(ANN)-Al-shabaab, ayaa sheegatay dil maanta ka dhacay suuqa ganacsiga ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha.

Sidoo kale, waxa maanta qarax lala beegsaday Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Marxuum Cali Axmed Xasan iyo Marxuum Ismaaciil Axmed Siyaad, oo lagu dilay Suuqa Bakaarah waxa la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya, gaar ahaan qeybta lagu magcaabo ilaalada Shacabka ee dharcada ah.

 

Labada nin ayaa  xilliga la dilay ku sugnaa suuqaa, iyagoo wata Mooto, waxaana weerarkaas sida la sheegay lagu dhaawacay Nin kale oo la socday.

Dablayda fuliyay dilka, ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo ay markaa kaddib halkaa gaadheen askar Boolis ah oo aan ka fogayn goobta dilku ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkaa,waxayna raggaa ku tilmaameen in ay ahaayeen qaar ka tirsanaa ciidanka dawladda, sida ay ku shaaciyeen qoraal lagu daabacay warbaahinta dhanka Internet-ka ee yaallaa lagu baahiyo wararka kooxdaa..

Dilka lagu khaarajiyay labadaa Nin, ayaa kusoo beegmay xilli Maanta Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Waxayna falalkan qayb ka yihiin amniga magaalada muqdisho ee sii xumanaaya, iyadoo aan weli meel laysla dhigin khilaafkii ka taagnaa doorashada Soomaaliya.

Dhinaca kale, hay’addaha amaanka ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaan wax faah fahin ah ka bixin dilka labada askari iyo qaraxa lala beegsaday Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalkaJ eneral Cabaas Amiin  Cal  iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Al-shabaab, waxay sheegtay in miino loo dhigay wadada isku xidha Tiyaatarka iyo isgoyska KM4 ee degmada Hodon subaxnimadii hore ee saaka, balse waxay sheegeen in ugu yaraan laba askari ku dihnteen qaraxaa, saddex kalena ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, Al-shabaab waxay sheegtay gaadiidka ay wateen Taliyaha iyo ciidankiisu khasaare soo gaadhay. sida lagu baahiyay warbaahinta yaallaa daabacda wararka Al-shabaab.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post