X
    Categories: Warar

Qaraxyo Iyo Weerraro Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Dhsmaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Soomaaliya

Araweelo News Network

mogdishu fresh explosion

Mogadishu(ANN)-Qarax weyn iyo weerar wada socda,  ayaa lagu qaaday dhismaha Otto Otto ee Xarunta u ah wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taal duleedka Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararka hordhaca ah oo shebekadda Wararka ee Araweelo News Network, ayaa sheegaya in Gaadhi laga soo buuuxuyay ku qarxay goobtaa oo ah Xarunta xerada Otto Otto oo xarun u ah wasaaradda arrimaha gudaha, Isla markaana daqiiqado kadib
Qaraxa rasaas laga maqlay, waxaana markaa kadib laga maqlay qarax kale oo goobta ka dhacay, iyadoo koox dablay ah ay gudaha u galeen dhismahaa.

Xaalada, ayaa si weyn wax uga bedeshay jawiga magaalada oo ka dhigtay mid kacsan, iyadoo aanay xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya weli ka hadlin weerarka iyo qaraxyadaa oo Kooxda Al-alshabaab sheegatay waxa Jira Warar sheegaya in uu Jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Goobta qaraxyadu ka dhaceen oo u dhow Villa Soomaaliya oo Qiyaastii hal KM u jirta, ayaa ah dhismaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Soomaaliya, waxayna Sidoo kale kasoo horjeedaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxyna goobta qaraxu ka dhacay ka mid tahay meelaha sida weyn ammaankooda loo ilaaliyo.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo iyo weeraro ka fuliya gudaha magalaada muqdisho, waxayna war hordhaca oo ay shaaciyeen warbaahinta taageerta ku sheegeen in ay qaraxyadaa iyo weerrarka ay fuliyeen ciidankoodu, iyadoo aan Ilaa hada la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post