X
    Categories: Warar

Qaraxyo Gil-gilay Madaarka Muqdisho Iyo Xarumaha Muhiimka Ah Ee AMISOM

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay shan kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo lala eegtay xarunta ciidamada AMISOM ee mgaalada Muqdisho.

Qraxyada ayaa ka dhecay duleedka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo khasaare laxaadleh soo gaadhay.

Qaar kamid ah ilaalada hay’ada Qaramada Midoobey ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin dadka qaraxyada ku dhintay, iyadoo kuwa dhaawacmayna ay ka mid yihiin askarta Ilaalada qaramada Midoobay.

sidoo kale qaraxyada ayaa khasaare gaadhsiiyay Saldhigga Ciidamada AMISOM ee ugu weyn Soomaaliya iyo safaaradaha dalalka reer galbeedka oohalkaasi ku yaalla.

mid kamid ah Qaraxyada waxaa lagu dhuftay derbiga dhismaha AMISOM, midna wuxuu ka dhacay bar koontorool, waxaana markiiba hawada isku shareeray qiiq weyn oo ka soo baxay goobta qaraxu ka dhacay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post