X
    Categories: Warar

Qaraxyo Gil-gilay Gaalkacayo Oo Galaaftay Dad Iyo Xukuumadda Muqdisho Oo Canbaaraysay

Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)Labo qarax oo si xidhiidh ah uga dhacay magaalada Gaalkacayo ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan toban qof, iyadoo dad kalana dhaawacyo soo gaadheen.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay xafiiska dawladda Hoose, halka Qaraxa labaad daqiiqado kaddib ka dhacay isla goobtaasi, waxaana markaa kaddib bilaabmay tacshiirado rasaas ah oo dabo socotay qaraxyadaa oo loo adeegsaday Baabuur lagu soo xidhay waxyaabaha qarxa.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay arkeen dad dhintay iyo kuwo kale oo dhaawacyo soo gaadheen oo loola cararay Cusbitaalka, waxyana dadkaas isugu jireen shacab iyo kuwo hay’addaha amaanka ka tirsan.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyaan masuuliyadda weerarka qaraxyada ka dhacay Gaalkacayo.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, halkaas oo naftooda ay ku waayeen dad isugu jirey shacab iyo masuuliyiin maamulka gobolka.

“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta dawladda Hoose ee degmada Gaalkacyo, Waxaan leeyhay shacabka Gaalkacyo si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan dhagar-qabayaasha bartilmaameed sanaya shacabka iyo Madaxda”ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Cumar, wuxuna tacsi u diray ehelada dadkii iyo nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. “Dadka dhintay waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu raaciyay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post