X
    Categories: Warar

Qaraxii ugu Dhimashada Badnaa oo Lala Beegsaday Ciidammada Maamulka Puntland

Araweelo News Network

Boosaaso(ANN)- Ugu yaraan sagaal askari oo ka tirsanaa ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa ku dhintay qarax aad u culus oo xoogagga Al-shabaab kula eegteen degaanka buurlayda Galgala subaxnimadii hore ee shalay.
Qaraxan oo ah kii ugu khasaaraha badnaa ee lala beegsado ciidammada Puntland, waxa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhowaad afartan askari oo ka tirsan ciidanka maamul-goboleedka Garoowe ee ku sugan degaannada buuraha Galgala oo ay isku horfadhiyaan dagaalyahanno daacad u ah ururka Al-shabaab.
Taliyaha ciidanka maamulka Puntland ee aagga Galgala gashaanle Cabdiraxmaan Faarax Gurxan, ayaa warbaahinta u caddeeyey in sagaal askari kaga dhinteen qarax miino aad u weyn iyo weerar toos ah oo xoogagga Al-shabaab la beegsadeen gaadiid kolonyo ah ciidammadoodu wateen.
Taliye Gurxan waxa uu sheegay, in ciidanka Puntland iska caabbiyeen dagaalyahannada weerarka iyo qaraxa wada socda ku soo qaaday, kadib dagaal muddo kooban socday oo labada dhinac dhexmaray, isagoo ku dooday inay ciidankoodu dileen tiro aannu cayimin oo ka mid ahaa kooxaha Al-shabaab ee ka dagaallama buuralayda degaanka Galgala oo ku dhow magaalada dekedda ah ee Boosaaso.
Hase ahaatee, sarkaalka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas dheer ka bixiyo weerarkaas oo lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu dhimashada badnaa ee lala eegto ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland muddooyinkan.
Sidoo kale, dhaawacyo tiro badan oo ah ciidammada maamulka Puntland ee lagu weeraray buuralayda Galgala, ayaa la gaadhsiiyey magaalada Boosaaso duhurnimadii shalay.
Geesta kale, warar madaxbannaan ayaa tibaaxay in kolonyada ciidanka qaraxa iyo weerarka waxyeellada badan dhaliyey lagu qaaday ay la socdeen saraakiil sare oo xilal muhiim ah ka haya ciidammada maamulka Garoowe, balse ilaa hadda si cad looma oga khasaaraha dhabta ah ee weerarkaas ka soo gaadhay millatariga Puntland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post