X
    Categories: Warar

Qarax Lagu Khaarajiyay Sarkaal Maamulka Puntland Ah Oo Al-shabaab Sheegatay

Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)Wakiilkii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug, Siciid Cali Yuusuf (Gaaddo-yare) iyo Todoba qof oo kale, ayaa ku geeriyooday qarax uu fuliyay qof naftii hure ah oo ka dhacay maanta Woqooyiga Magaalada Gaalkacayo.
Maamul goboleedka Puntland ee Somalia oo xaruntiisu tahay Garoowe, ayaa xaqiijiyay qaraxa iyo geeridaa sarkaalkaa, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan Askarta Ilaalada u ahayd sarkaalkaa, isla markaana dhaawacyo soo gaadheen dad kale oo ka dhowaa goobta qaraxu ka dhacay oo u ah Huteelka In Uun-laaye ee Woqooyiga Gaalkacayo. Kadib markii qof waxyaabaha qarxa isku soo xidhay kusoo dhowaaday goobtaa uu joogay sarkaalka Maaliyadda Puntland.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaa, waxayna ku tilmaameen mid lagu bartilmaameedsanayay sarkaalka ku dhintay ee maamul goboleedka Puntland.
Al-shabaab, waxay magaalada Muqdisho iyo deegaamo kale oo dhinaca Koonfurta Somalia la fulisaa, weerraro iyo qaraxyo maalin walba, balse Qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu Horreeyay noociisa oo Sannadkan ka dhaca Magaalada Gaalkacyo oo u qaybsan laba meelood, isla markaana laba maamul goboleed kala qaybsadeen, iyadoo dhinaca Puntland ay ka taliso ee qaraxu ka dhacay maanta ay ku sugnaayeen ciidammo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post