Araweelo News Network

dagaalkagaalkacayoGaalkacayo(ANN)Wakiilkii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug, Siciid Cali Yuusuf (Gaaddo-yare) iyo Todoba qof oo kale, ayaa ku geeriyooday qarax uu fuliyay qof naftii hure ah oo ka dhacay maanta Woqooyiga Magaalada Gaalkacayo.
Maamul goboleedka Puntland ee Somalia oo xaruntiisu tahay Garoowe, ayaa xaqiijiyay qaraxa iyo geeridaa sarkaalkaa, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan Askarta Ilaalada u ahayd sarkaalkaa, isla markaana dhaawacyo soo gaadheen dad kale oo ka dhowaa goobta qaraxu ka dhacay oo u ah Huteelka In Uun-laaye ee Woqooyiga Gaalkacayo. Kadib markii qof waxyaabaha qarxa isku soo xidhay kusoo dhowaaday goobtaa uu joogay sarkaalka Maaliyadda Puntland.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaa, waxayna ku tilmaameen mid lagu bartilmaameedsanayay sarkaalka ku dhintay ee maamul goboleedka Puntland.
Al-shabaab, waxay magaalada Muqdisho iyo deegaamo kale oo dhinaca Koonfurta Somalia la fulisaa, weerraro iyo qaraxyo maalin walba, balse Qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu Horreeyay noociisa oo Sannadkan ka dhaca Magaalada Gaalkacyo oo u qaybsan laba meelood, isla markaana laba maamul goboleed kala qaybsadeen, iyadoo dhinaca Puntland ay ka taliso ee qaraxu ka dhacay maanta ay ku sugnaayeen ciidammo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.