X
    Categories: Warar

Qarax Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Muqdisho Saacado Kadib Markii Al-shaabab Ku Hanjabatay Dagaal Ku Waajahan Xukuumadda Farmaajo

Araweelo News Network

Qaraxa Muqdisho

Mogadishu(ANN)-Qarax khasaare dhaliyay, ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho. kadib markii Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, ayaa lala beegsaday goob suuq ganacsi ah oo ku yaal Xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir.

dhaawac la gurayo


Wararka hordhaca ah ee kasoo baxay halkaa, ayaa sheegaya in Ugu yaraan 30 qofay ku dhinteen qaraxa, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka Muqdisho qaraxa, ayaa sababay dad gaadhaya ugu yaraan inta la ogyahay 50 qof, kuwaas goobaha caafimaadka loola cararay.

Qof Goob jooge ah ayaa idaacadda Codka Mareykanka ee VOA u sheegay in dadka dhintay ay kamid yihiin ciidamo katirsan melleteriga dowladda Federaalka oo xilligaasi ku xoonsanaa goob lagu iibiyo Qaadka.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Wadajir, ayaa warbaahinta u sheegay in dad ka badan 30 qof oo ay ciidamo ku jiraan ay ku dhinteen qaraxaa.

Ma jirto cid sheegatay Qaraxaa oo noqonaya kii ugu horeeyay ee ugu khasaraha badnaa tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo February 8th, 2017.

Al-shabaab oo ciidamo tiradoodu gaadhayso 800 dagaalyahano cusub ah oo ay sheegeen inay dhammaysteen tababar ciidan, ayaa dhoolla-tus Millatari oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sameeyeen fagaare ku yaal degmada Jilib ee koonfurta Soomaaliya, waxay ku hanjabeen inay dawladda Faraamjo dagaal la gelayaan.

Sidoo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ka mid ah Saraakiisha Al-shabaab, ayaa war rasmi ah oo saacadihii lasoo dhaafay kasoo baxay Al-shaabab iyo aragtidooda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay in xarakada Al-shaabab dagaal culus la gelayso dawladda Farmaajo.

“Annagu Haddaan muslimiin nahay waxaan leenahay Miisaan ama halbeeg aan wax ku cabirno, qof kasta oo khilaafa halbeegaasi shareecada islaamku jidaysay buudka ayaa lagula tumanayaan waana lala dirirayaa” ayuu yidhi Sheekh Xasan Yacquub.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post