X

Qarax Khasaare Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Addis Ababa

Araweelo News Network.

 

#Addis Ababa(ANN)- Qarax khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay Caasimadda dalka @Ethiopia ee Addis Ababa, sidaana waxa xaqiijisay wakaaladda wararka ee dowladda.

Qaraxa, ayaa la sheegay inuu ahaa Bambo la dhigay goob ku taal magalaada, taas oo samaysay qaraxa oo sababay in ay ku dhintaan ugu yaraan saddex qof, halka ay dhaawacyo soo gaadheen ugu yaraan shan qof oo kale oo ku sugnaa degaanka qaraxu ka dhacay Lideta ee badhtamaha Caasimada Addis Ababa.

 

Xaaladda dhanka amniga ee caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa ahayd mid uu ka jiro walaac badan tan iyo markii ay dagaaladu ka bilaabmeen gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas, halkaas oo ay ka jirto xaallad aad ba’an oo bini’aadanimo iyo jaah-wareer dhanka amniga ah, isla markaana kud howaad muddo todoba todobaad ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya ciidamada federaalka ee Ethiopia oo ay taageerayaan Malayshiyaadka Amxaarada iyo kuwo kalae iyo ururla TPLF.

Tan iyo markii ay ciidamada dawladda ee Federaalka duulaanka ku qaadeen gobolka Tigray horaantii November 2020, wuxuuna hawlgalkaasi sababay dhimasho boqolaal ah iyo inay ku barakacaan kumanaan qof oo u dhashay gobolka Tigray, iyadoo dagaalku saamayn ku yeeshay siyaasada iyo amniga guud ahaan dalka, isla markaana magaalada Addis Ababa iyo meelo kale ay ka dhaceen qaraxyo kale duwan, walaw kuwa Addis Ababa ay ahaayeen dhawr kala danbeeyay oo yar yar, isla markaana aan khasaare weyn geysan.

Xukuumadda Federaalku ku eedeeysay qaraxyada qaar kooxda TPLF, laakiin ma jiraan waxyaabo caddaymo ah oo ay saraakiisha Boolisku kusoo bandhigeen eedaymahaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post