X
    Categories: Warar

Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Lala Beegsaday Huteelka Blue Sky Ee Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN) Qaraxa weyn oo ka dhacay goor dhowayd afaafka hore ee Huteelka Blue Sky oo ku yaalla badhtamaha caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa sababay khasaare, waxaana ugu yaraan ku dhintay laba qof, iyadoo afar kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxa oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxuyay, waa weerarkii labaad ee khasaare dhaliya ee maalmo kooban gudahood ka dhaca Muqdisho oo inta baddan weerrarada qaraxyada iyo dilalka shirqoolada ah hoy u noqotay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa maanta iyo kii ka horeeyayba.

Todobaadkii tegay, wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye, ayaa kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka sheegay, in Al-Shabaab ay beegsaneyso bartilmaameedyada sahlan, isagoo sabab uga dhigay inay awood ahaan wiiqeen Al-shabaab.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post