Araweelo News Network

Cadan(ANN}ugu yaraan Labaataneeyo qof oo u baddan dumar iyo caruur ayaa ku dhintay qarax ka dhacay bar Kaantarool oo ku taal magaalada Cadan ee Dalka Yemen. Kadib markii Sadax qof oo isasoo miidaamiyay isku qarxyeen halkaa.
Qaraxa oo sidoo kale sababay dhawaac soo gaadhay dad kale oo shaab ah, waxaana sheegatay Kooxda Daacish oo qayb ka ah qalalaasaha ka jira dalka Yemen.

Magaaladda Cadan oo weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa xukuma dowladda Yemen ee Sucudigu taageero, iyadoo Madaxweynaha Xukuumadda Sucuudigu taageeraa debed joog ku yahay dalka Sucuudiga, balse maamulkiisa oo taageero ka helaya Sucuudiga iyo dagaalyahanka Xuutiyiinta ee ay xulufada yihiin ciidamada Madaxweynihii shore Cali Cabdalla Saalax, ayaa ku hirdamaya dalka Yemen muddo sanad ah.
Iyadoo hirdanka dagaalka ay qayb ka tahay kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq, kuwaas oo sheegta dawladda Islaamiga ah.
Dalka Yemen waxaa marar baddan laysku deyey in xabad joojin laga dhex sameeyo dagaalamayaasha Xuutiyiinta ee ay xulufada yihiin Ciidanka Madaxwrynihii hore Cali Cabdale Saalax iyo isabahaysiga Sacuudiga oo dhinaca kale ah, weli ma jiraan astaamo muujinaya inay xaalada wax iska bedelee, waxaana sii soda dagaaada iyo fawdada sababay inay ku nafwaayaan kumanaan qof oo inta baddan Caruur iyo dumar ah, kuwaas oo ku nafwaaya duqynta dhinaca Cirka ee diyaaradaha Sucuudiga, iyadoo kumanaan kale ka qaxeen guryahooda mudadii sanadka ahayd ee dagaalku ka socday dalkaa.