X
    Categories: Warar

Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Duleedka Dekedda Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Qarax loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 21 qof magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo manta ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla meel u dhow Dekadda magaalada Muqdisho, waxa uu sidoo kale sababay dhaawac, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Dadka ku dhintay qaraxaa ayaa isugu jiray dad shacab ah iyo Boolis, waxaana weerarka qaraxa ah lala beegsaday xilli ay meesha mashquul ahayd.

Goobta qaraxu ka dhacay, waxa ku yaallay maqaaxiyo iyo xarumo kale oo ganacsi oo ay ku sugnaayeen dad kala duwan.

Sidoo kale qaraxa waxa ku dhaawacmay 48 qof sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha Caafimaadka iyo dareewaliinta gurmadka degdeg ah.
Goobta Qaraxu ka dhacay ka dib wax aka bilaabantay tashciirado rasaas ah oo laga maqlayay nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaa oo ahaa kii labaad ee 24 saacadood gudohood ka dhacay Muqdisho.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post