X
    Categories: Warar

Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Gil-gilay New York

Araweelo News Network

New York(ANN)ugu yaraan 29 qof, ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay degmo mashquul badan oo ku taala magaalada New York. Ma cadda waxa sababay qaraxaa oo ahaa mid xoog weyn oo ka dhacay deegaanka Chelsea Sabtidii.

Mr. Bill de Blasio oo ah Duqa magaalada ayaa qaraxa ku tilmaamay mid “badhedh ah” ama ula kac loo gaysatay, laakiin wuxuu sheegay in aanay jirin wax cadayn ah oo argagixiso lagula xidhiidhinkaro qaraxa.

Qaraxa ayaa burburiyay daaqado waxaana laga maqlayay dhismayaal kale oo ka durugsan meesha uu ka dhacay.

Qalab kale oo lagu sheegay in uu yahay ka wax lagu karsado oo fiilooyin ku marmaran yihiin ayaa mar dambe laga helay isla deegaankaas qaraxu ka dhacay.

Dadka dhaawacmay dhamaantood midkoodna xaaladdiisu ma liidato sida uu sheegay taliyaha waaxda dab damiska ee magaalada New York.

Dadka dhaawacmay intooda badan waxay waxyeelo ka soo gaadhay firidhka Quraaradaha iyo burburka kale, waxayna saraakiish amaanku sheegeen inay baadhayaan sababata dhalisay qaraxaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post