X
    Categories: Warar

Qarax Ka Dhacay Garoonka Beledweyne Oo Khasaare Gaadhsiiyay Ciidamada Djibouti Iyo Dad Shacab Ah

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Wararka ka imaanaya xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne, ayaa sheegaya in maanta barqadii uu qarax ka dhacay gudaha Garoonka diyaaradaha Macmalka Beled weyne oo ay gacanta ku hayaan ciidamo Djiboutian iyo Ethiopian ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax xooggan uu ruxay goob Koontarool ah oo ciidanka Djibouti ay ku baadhayeen dadka ka dhoofa Garoonka Ugaas Khaliif

Saraakiisha ammaanka ayaa faah-faahin ka bixiyay Qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo Taliyaha Saldhiga Degmada Baledweyne Col. Cali Dhuux Mahad Alle, sheegay in Qaraxaasi ahaa Labtop lagu soo xidhay waxyaabaha qarxa oo lagu doonaayay in lagu dhibaateeyo shacab doonaayay inay raacaan Diyaarad ka timid Magaalada Muqdisho.

Col. Cali Dhuux Mahad Alle, wuxuu sheegay Qaraxaasi in la soo saaray Gaadhiga Baska ee lagu soo qaadoo dadka doonaaya inay raacaan Diyaaradaha Garoonka ka dhoofaya.

Qaraxa ayuu sheegay inuu ka dhacay goob alaabta lagu baadho meel Afaafka hore ee Garoonka, wuxuu ku tilmaamay waxa loo adeegsaday Labtopka lagu soo idhay walxaha Qarxa, kaasoo la soo saartay gaadhi, isagoo xusay in baadhtiisu socoto.

“Nasiib wanaag Lab top ayaa qarxay, waxaana uu ku qarxay afaafka hore ee garoonka, ciidamadu waxa ay ku guuleysteen inay qaraxyo ka furaan labo waxyaabo kale oo qaraxyada lagu soo xidhay, kuwaasi oo ay ka midyihiin Printer, waxaana ku dhaawacantay Lix ruux, oo labo ka mid ah ay ahaayeen ciidanka booliska, halka inta kale ay shacab yihiin” ayuu yiidhi Taliyaha saldhiga Booliska ee Beledweyne.

Col. Cali Dhuux wuxuu tilmaamay inu socdo Baadhitaanka cida ka dambeysa inkastoo uu ku eedeeyay arintaan inay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo sida uu sheegay dhibaateynayay shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Al-shabaab, ayaa sheegatay qaraxyada ka dhacay Beledweyne Sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka Xarakada Al-shabaab ku hadasha waxaa qaraxa mas’uul ka ahaa Al Shabaab, ayaa lagu yidhi war laga sii daayay Idaacada Andallus, waxayna ku sheegeen warkaa in qaar ka mid ah Askarta ciidamada Djibouti khasaare ugu geysteen qaraxa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post