X
    Categories: Warar

Qarax Ka Dhacay Duleedka Mandheera Ee Xadka Kenya

Mandheera(ANN)Qarax Miino ah, ayaa ka dhacay marin laga tallaabo xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya, gaar ahaan duleedka Mandheera ee gobolka Soomaalida NFD.
Qaraxaa oo ahaa mid Miino ah, ayaa dhacay maanta, waxayna wararka ka imanaya deegaankaa sheegayaan in lagu aasay meel wadada dhinaceeda ah, halkaas oo inta baddan ay maraan ciidamada wareega ee ilaaliya xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya.
Mana jiraan ilaa hadda warar la xidhiidha qaraxa oo sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay, saraakiisha dhinaca amaanka ee Kenya ayaa inay aaminsan yihiin in loola dan lahaa ciidamada amniga ee roondada ku jra, waxayna xuseen in waqtigan ay Kenya qorshaynay in ciidamadoodu isku balaadhiyaan deegaanada dhinaca xadka ay wadaagaan Somalia oo inta baddan weeraro iyo qaraxyo ka dhacaan, kuwaas oo ay Al-shabaab sheegato.

Toddobaakdii hore ayey ahayd markii maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Cali Rooba, waxaana weerarkaasi ku dhintay 3 qof.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post