X
    Categories: Warar

Qarax Gil-gilay Magaalada Sanca Ee Dalka Yemen

San’a(ANN)Qarax weyn ayaa gil-gilay magaalada xarunta u ah dalka Yemen ee San’a oo ah wadamada qalalaasahu hadheeyay, qaraxa oo ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa saaka waaberigii lala beegsaday xarun Kilayad u ah Booliska oo ku taal magaalada Sanca.
Qaraxa ayaa sababay ugu yaraan 40 qof oo dhimasho ah iyo tiro kale oo dhaawac ah sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee dalka Yemen.
Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay qaraxaa, balse waxa loo malaynayaa inuu ka mid yahay weerarada Al-Qaeda Yemen ee ka dagaalanta gasiiradda Carabta, taas oo dagaal kula jirta xukuumadda Yemen ee ay inqilaabeen Xuutiyiinta Shiicadu oo taageero ka haysta wadamada reer galbeedka.
Weerarka ayaa yimi, iyadoo Muddooyinkii u danbeeyay ay deegaamo ka mid ah dalka Yemen dagaalo ku dhexmarayeen Xuutiyiinta Shiicada ah iyo Dagaalyahanka Al-Qaeda ee Yemen oo lagu magcaabo Ansaaru Shareeca wal Qaanuun.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post