X
    Categories: Warar

Qarammada Midoobay Oo Walaac ka Muujisay Ammaanka Goobaha Doorashooyinka Soomaaliya ka Dhacayaan

Araweelo News Network

New York (ANN)Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa walaac xooggan ka muujiyey amniga goobaha loo qoondeeyey codbixinta doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka Soomaaliya badhtamaha bisha August ee sannadkan 2016.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michal Keating oo warbixin ka jeediyey fadhi Golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladaha waddanka Soomaaliya shalay, ayaa werwer culus ka bixiyey xaaladda ammaanka goobaha ay ka dhaci doonaan doorashooyinka soo socda iyo guud ahaan amniga dalkaas.
Danjire Michal Keating waxa uu warbixintiisa ku caddeeyey in dagaalyahannada Al-shabaab weerarro joogto ah ka fuliyaan meelo kala duwan oo ay ka mid tahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo tilmaamay in kooxdaasi qorshaynayaan hawlgallo lagu carqaladaynayo doorashooyinka loo qoondeeyey inay dalkaas ka dhacaan dhowr bilood kadib.
“Nabadgalyo Soomaaliya ka hirgasha waxa aasaas u ah iskaashiga saddexda dhinac ah ee u dhexeeya – Dawladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay. Amniga iyo horumarka Soomaaliya wuxuu ku xidhan yahay sida awood loogu yeesho in laga maarmo ku tiirsanaanta kaalmada dibadeed iyo in diiradda la saaro ka-hortagga dhibaatooyinka ay ka mid yihiin argagaxisanimada.” 

Dhinaca kale, Wakiilka Qarammada Midoobay waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay go’aan  Midowga Yurub ay 20% kaga jareen dhaqaalihii ay siin jireen ciidammada AMISOM ee  ka hawlgala Soomaaliya. “Sidaa awgeed, waxa loo baahan yahay taageeridda hawlgalka ciidammada Midowga Afrika, si loo adkeeyo ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,” ayuu yidhi Ambassador Keating.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post