X
    Categories: Warar

Qarammada Midoobay oo Sheegtay in 201 Milyan Qof Shaqo La’aan ku Dhici Doonto 2017

Araweelo News Network

New York(ANN)-Xoghayaha cusub ee Qarammada Midoobay Mr. Antonio Guteres, ayaa sheegay in sannadkan 2017 ay shaqo la’aan ku dhici doonaan 201 milyan oo qof adduunka, halka shaqo la’aantu gaadhi doonto 2.7 milyan ruux sannadka 2018
War-murtiyeed uu ka hor akhriyey Guddida Horumarinta Bulshada ee UN-ka, waxa uu Mr. Guttere ku sheegay in dunidu waqtigan waajihi doonto dhibaatooyin badan oo dhinaca shaqo la’aanta ah.
“Sannadkan dadka shaqo la’aanta ah waxa la rajaynayaa in ay dhaafaan 201 milyan qof, waxana ku darsami doona 2.7 milyan kale oo shaqo la’aan ku dhici doonto2018. Waxa dhibaato badan keeni doona magaalawga, isbeddelka cimilada, koboca bulshada iyo dhibaatooyin kale oo badan. Dedaal ahaan waa in ahmiyadda u sarraysa aan siinnaa sidii loo gaadhi lahaa sinnaan lammaanaha (Gender Equality) iyo awood-siinta haweenka,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.
Waxa kaloo uu sheegay in ajendaha Qarammada Midoobay oo ku eg 2030 uu u baahan yahay in dib loo eego hannaanka loo qorsheeyey, qaabkiisa kormeer iyo sida looga dhigi karo mid yeesha hadafyo waara.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post