X

Qaramada Midoobay Oo Xukuumadda Ethiopia U Gudbisay Dalabkeeda Ku Waajahan Dhacdooyinka Gobolka Tigray

Michelle Bachelet Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#OHCHR@Ethiopia Ka Dalbatay Khuburo Baadha  Tacadiaydii Iyo Xasuuqii Gobolka Tigray

New York (ANN)-Guddida Sare ee Xuququda Aadamaha Qaramada Midoobay (OHCHR), ayaa ka dalbaday dawladda Ethiopia inay aqbasho khuburo baadha tacadiyada Tigray.

Haweenayda Madaxda ka ah Guddida sare ee xquuqda Aadamaha oo lagu magcaabo Michelle Bachelet Jeria, ayaa sidaa ku sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska OHCHR.

Gobolka Tigray,ee dagaaladu ka dhaceen oo weli aan si buuxda war looga ahayn, ayaa laga soo sheegayaa gabood-falo  dilal iyo rabshado galmo,, kuwaas oo lala xidhiidhay ciidamadda ku sugan gobolka, kuwaas oo noqonaya denbiyo dagaal.

“Dhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyada waa inaan loo diidin xuquuqda ay u leeyihiin runta iyo cadaaladda,” sidaa ayay tidhi, Michelle Bachelet.

Waxayna bayaanka ay soo saartay ku muujisay inay ka cabsi qabto in xadgudubyada ay sii socdaan, haddii aan la helin baadhitaan dibedda ah.

Bachelet waxay sheegtay in 136 kiis oo kufsi ah lasoo weriyay intii u dhaxeysay December illaa January, sidoo kale ay jiraan tilmaamo muujinaya kuwa badan oo aan lasoo werin.

Sidoo kale, waxay xustay kiisaska dilal ula kac ah oo loo gaystay shacab ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo nooqnaya denbiyo dagaal.

.“Xadgudubyo darran oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, oo ay suurta-gal tahay inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada.”ayay tidhi, Michelle Bachelet.

 

Waxaa suurta-gal ah inay gaysteen dhinacyo kala duwan, ayay raacisay Bachelet, waxayna tilmaantau in Ciidamada Ethiopia, kuwa Eritrea iyo Malayshiyaadka Amxaarada ay falalkaa geysteen.

Haweenayda Madaxda ka ah Guddida sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadamaha Michelle Bachelet Jeria, wbayaankeeda ayaa kusoo beegantay, maalmo kaddib warbixin murrugo xanbaarsan oo Maraykanku kasoo saaray xaaladda gobolka Tigray ee Ethiopia.

Iyadoo Maraykanku ugu baaqay Dawladda Ethiopia iyo Ereiteria in ay deg-deg uga baxaan ciidamadooda gobolka Tigray, isla markaana la qaado tallaabooyin nabadeed, balse Ethiopia, ayaan dheg u dhigin dhawaaqa Maraykanka.

 

Sidoo kale, Bayaanka Xafiiska Guddida sare ee Xuququda Aadanaha Qaramada Midoobay , (United Nations High Commissioner for Human Rights), wuxuu kusoo beegmay, maalomo kaddib Warbixin ay Amnesty International kasoo saartay gobolka Tigray oo lagu muujiyay tacadiyada iyo gabood-falada ka socda oo aan wax baddan laga ogayn.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post