X
    Categories: Warar

Qaramada Midoobay oo Tababar Xuquuqda Aadamaha Ah Siisay Garsoorayaasha Cusub ee Maxkamaddaha Ciidamada

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamadda Somaliland ee Tababarka loo furay 10 Feb 2020 Araweelo News Network.

Hargeysa,(ANN)- Tababar loogu talo galay in ay shaqada kula qabsadaan garsoorayaasha cusub ee Maxkamaddaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland.

Tababarkaa oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa, ayaa soconaya muddo laba maalmood ah, waxaana muhiimadda lagu bixinayo ay la xidhiidhaan Shuruucda ciidanka, xuquuqda aadamaha iyo arrimaha jinsiga.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebeladda Araweelo News Networ, waxa Furitaankii tababarka, hadal ka jeediyay madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa, Simon Strachan, kasoo iftiimiyay muhimadda ay leedahay adkaynta ku-dhaqanka sharciga, iyo inuu garsoorku noqdo mid wax-ku’ool ah, lala xisaabtami karo oo daahfuran, kaas oo lama-huraan u ah dhawridda xuquuqda assaasiga ah iyo dimuquraadiyadda. Kadibna Agaasimaha Waaxda Hub-kadhigista, Abaabul-ka-saarka iyo Dib-u-jihaynta ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdillaahi Nuux Xasan ayaa uga mahad celiyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Maxkamadaha Ciidamada Somaliland.

Dhankiisa, Hormuudka Kulliyadda Sharciga ee Jamacadda Hargeysa, Prof. Maxamuud Xuseen Faarax wuxuu carabka ku adkeeyay mabda’a ah in dadka oo dhami u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka sharciga hortiisa iyo bixinta adeeg garsoor oo madaxbannaan oo aan kala sooc lahayn sida ku xusan Dastuurka Somaliland.

Iyadoo ay garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyaasha maxkamaddaha ciidamadu yihiin sarakiil isugu jira Millateri iyo Boolis, kuwaas oo sharciga u leh khibrad iyo Aqoon, tababarkan Qaramada Midoobay fududeynaysaa waa mid wax lagu baranayo khibradda garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyayaasha sare ee maxkamadaha ciidamada qalabka sida ee la xidhiidha doorarkooda cusub iyo faahfaahinta shuruucda militariga, nidaamka iyo hanaanka, sida maareynta kiisaska iyo kaydinta diiwaanka. Sidoo kale, tababarkani wuxuu fursad u yahay garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyayaasha Burco iyo Hargeysa, isku-xidhnaanshahooda, khibrad-wadaaggooda iyo in ay ka doodaan sida loo wanaajiyo hanaanka garsoorka maxkamaddaha.

Maalinta labaad ee tababarka, khabiir ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa, ayaa siin doona garsoorayaaasha iyo xeer-ilaaliyaasha tilmaamo la xidhiidha doorkooda adkaynta xuquuqda aadamaha iyo xaqa helitaanka maxkamad caddaalad ah. Intaa waxaa dheer La-taliyaha Booliska ee Qaramada Midoobay ee jooga Hargeysa wuxuu garsoorayaasha ku baraarujin doonaa ka-warhaynta arrimaha jinsiga marka ay go’aan ka gaadhayaan kiisaska horyaalla iyagoo diiradda saaraya aqoonsashada iyo wax ka qabashada fikradaha khaldan ee jinsiga ku salaysan. Ujeeddadu waa in la hubiyo in garsoorayaashu go’aamiyaan kiisaska iyagoo ku saleynaya mabda’a sinnaanta ee lagu xusay halbeegyada xuquuqda aadamaha ee caalamiga ah oo uu ku jiro Heshiiska Cidhibtirka Dhammaan Noocyada Takoorka ee ka Dhanka ah Haweenka.

Tababarkan ayaa ah kii ugu horreeyay tababaro taxane ah oo Qaramada Midoobay u qabanayso maxkamadaha ciidamada qalabka sida sannadkan. Qaramada Midoobay waxay kaloo dhiirrigelineysaa in dumarku ka mid noqdaan garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha maxkamadaha ciidamada qalabka sida.

DHAMMAAD

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post