X
    Categories: Warar

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Daacuunka Ka Dillaacay Dalka Yemen Oo Noqday Kii Ugu Xumaa Taariikhda Dunida

Araweelo News Network


New York(ANN)-Qaramada Midoobay, ayaa shaacisay in xaalada cudurka daacuunka ee dalka Yemen marayo meel halis badan, isla markaana tirada kiisaska loga shakisan yahay cudurka daacuunka ay kor u dhaaftay dad lagu qiyaasay labo boqol oo kun, waxaana u dhintay Inka badan saddex boqol oo qof.

Warbixin ay wadajir usoo sareen Ururka caafimaadka adduunka ee WHO iyo Hay’adda carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in dalka Yemen uu waajahayo xaaladda daacuunkii ugu xumaa ee dunida soo mara inta la ogyahay.

Labada hay’adood ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ay si weyn ula tacaalayaan sidii ay u joojin lahaayeen xanuunka daacuunka ee ka dillaacay Yemen, kaas oo sida ay sheegeen ku soconaya xowli oo kuu faafaya bulshada.

Warbixinta Hay’addaha ayaa lagu sheegay in ay ku howlan yihiin siidii ay uga jawaabi lahaayeen qaabkii looga fal celin lahaa daacuunka, isla markaana ay shaqaalaha gurmadka caafimaadka geeyeen dhammaan xaafadaha, iyadoo ay barbar socoto wacyigalin la xidhiidha sidii ay dadku isaga ilaalin lahayaayeen xanuunka, isla markaana ku dadaalaya ilaalinta nadaafada iyo sidii ay u keydsan lahaayeen biyo nadiif ah.

Balse kooxaha gurmadka siinaya dadka, ayaa wajahaya caqabado waa weyn, taas oo ay sabab u tahay xaalada dhinaca ammaanka dalka Yemen oo muddo laba sanadood ku dhow dagaal sokeeye oo ay xulufada Sucuudigu taageerayso mid ka mid ah dhinacyada ku dagaalamaya, iyadoo dhinaca kalena lala xidhiidhiyo in ay taageerto Iran.

Dagaalada ka socda dalka Yemen, ayaa saamayn ku yeeshay nolosha kala badh bulshada Yemen, kuwaas oo ka cararay guryohoodii, dad ka badan 12,000 ayaa ku dhintay dagaalka iyo duqaymaha diyaaradaha ee xulufada sucuudigu ka wadeen dalka Yemen tan iyo 2015, markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe, waxaana ku dhaawacmay kumaan qof oo u badan dumar iyo caruur.

Warbixinaha, ayaa sheegaya 3.3 million oo 2.1 million ay caruur yihiin, ayay soo waajahday xaalad nafaqadaro iyo cunto yari, taas oo sababtay in ay u nuglaadaan xanuunka daacuunka ee ka dilaacay dalka iyo cudurada kale ee faafa.

Duqaynta inta badan diyaaradaha xulufada, ayaa burburiyay adeegyadii aasaasiga ahaa, sida goobaha Caafimaadka sida Cusbitaalada, goobaha waxbarashadda, wersheddaha, dhismayaasha ganacsiga iyo guryaha dadka shacabka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post