X
    Categories: Warar

Qaramada Midoobay Oo ka Wer-wersan Inay Somali Usoo Talaabaan Jihaad-doonka Yemen

New York(ANN)Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa warbixin cusub kaga digay in dhibaatada Yemen ay dhici karto in ay furto jid ay dadka jihaad doonka ahi ka soo galaan Soomaaliya, halkaas oo ku taalla gacanka cadmeed.

Ban Ki-Moon wuxuu ku sheegay warbixin uu u gudbiyay shalay golaha ammaanka in Soomaaliya iyo gobolkaba ay halis ku hayaan kooxaha maleeyshiyooyinka Islaamiga ah ka soo kow weerarada al-Shabab, wuxuu kale oo uu sheegay in dhibaatada ka taagan dalka Yemen ay halis sii galinayso gobolka in ay ka furmaan irdo kooxaha Jihaad-doonka ay ay ku galaan Soomaaliya.

Yemen ayaa in muddo ah ay ka jirtay saboolnimo ba’an, siyaasad guuldaraysatay iyo laanta ugu halissan ee al-Qaida oo halkaas ka howlgalaysay.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa ka socday dagaal u dhaxeeya mucaaradka xuutiyiinta iyo madaxwaynaha musaafuriska ku maqan ee dunida aqoonsan yahay.

Taas ayaa dhalisay in Sacuudiga iyo dalalka gacanka ah ay soo faragaliyaan.

Madaxa QM, wuxuu sheegay in walwal aad u wayn laga qabo wali amniga gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada al-Shabaab ee Puntland iyo waxa ka dhalan kara xaaladda Yemen ka taagan hadda.

Ban Ki Moon, wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in iskaashiga ciidan ee xoogaga AU ee AMISOM iyo ciidamada qaranka Soomaaliya uu sii socdo, maaliyad ahaanna bulshada caalamka ay taageerto.

Wuxuu sheegay in uu rajaynayo in uu soo bandhigo warbixin uu ugu talogalay golaha ammaanka oo ka hadlaysa horumarka la sameeyay sidii looga soo bixi lahaa bartilmaameedyada la dhigay ee keeni doona in Qaramad Midoobay ay la wareegyo waajibaadka nabad ilaalinta dalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ayaa ku dhiirigaliyay deeqbixiyayaasha in ay bixiyaan lacag gaaraysa ilaa $863 milyan oo lagu caawiyo 2.8 million oo Soomaali ah “oo u baahan gargaar degdeg ah oo caafimaad.”

Wuxuu walwal ka muujiyay saamaynta xayiraadaha shirkadaha xawilaadaha oo lacag u diri jiray ilaa 40% dadwaynaha Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay in ay la yimaadaan habab kale oo lacagaha dibedda lagu diri karo inta laga abuurayo Bank rasmi ah oo ka howlgala Soomaaliya.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post