X
    Categories: Warar

Qaramada Midoobay Oo Ka Waalaacsan Xaalada Mustaqbalka Dawlada Somalia

Mogadishu(ANN)Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay ka wer wersantahay xaalada Mustaqbalka Somalia. kadib markii uu sii xoogaystay khilaafka u dhexeeeya Madaxda Dawlada somalia.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ergayga Khaaska ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Key, ayaa lagu sheegay in qaramada Midoobay ka walaacsantahay xaalada sii murgaysa ee Somalia, waxa lagu sheegay qoraalkaa oo ahaa mid lagu qoray weedho addag oo Dublamaasiyadeed in Qaramada Midoobay u aragto khilaafka madaxweynaha somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare cabdi Weli inuu ka dhexjiro khilaaf sii xoogaysanaya.

Mr. Kay, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in khilaafka waqtigan ee labada masuul niyad-jab ku yahay rajadii laga qabay mustaqbalka Somali, “waxaan maqalay in uu jiro abaabul la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo oo kalsoonida Baarlamaanku kala noqdo Raysal wasaare Cabdiweli, iyadoo lacag la isticmaalayo, waana arrin nasiibdaro ku ah dedaalkii beesha Caalamka ayuu yidhi Mr. Kay.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ku gacansaydhay. kadib markii dhowaan raysal wasaare Cabdiweli isku bedelay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda, taas oo sii xoojisay khilaafka u dhexeeya laba masuul.

Qaramada Midoobay xafiiskeeda somalia, ayaa dhowaan dib loo habeeyay, waxaana la siiyay awood dheerad ah oo ka duwan tii hore xafiiskaasi u lahaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post