X
    Categories: Warar

Qaramada Midoobay Oo Dibada Soo Dhigtay Xidhiidh Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray Shirkadda SOM-Oil Iyo Al-shabaab

Araweelo News Network

London(ANN)Qaramada midoobay, ayaa bedka soo dhgtay xidhiidh qarsoodi ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo shrkadda SOM-Oil, Sida uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee ka soo baxa dalka Britain ee The independent oo soo xiganayay guddi Qaramada Midoobey ka tirsan oo baadhaya suurtagalnimada in uu jiro xidhiifh u dhexeeya agaasimaha qaybta Africa ee shirkadda Soma Oil and Gas iyo xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Macluumaadka ku saabsan baadhiitaanka, ayuu wargeyska sheegay in laga helay warqad si qarsoodi ah ay ku heleen diblomaasiyiin u dhashay dalka Norway.
Shirkadda Soma Oil and Gas ayaa waxaa madax ka ah Michael Howard oo ahaa hoggaamiyihii hore ee xisbiga muxaafidka ee haya xukunka Britain.
Wargeyska The independent ayaa sheegaya in warqaddaasi oo lagu daabacay barta intarneedka ee BuzzFeed ay ka timi guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka cunaqabataynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.
Shirkadda Soma Oil ayaa beenisay eedeymahaasi, waxa ayna sheegtay in agaasimaha shirkadda ee qaybta Afrika aanu wax xidhiidh ah la lahayn Al-Shabaab iyo koox kale oo xag jir ah, warbixintaasina ay tahay mid aflagaado ah oo lagu waxyeeleynayo sumcaddiisa.
Bishii July ee sandkii hore ayaa xafiiska baadhitaanada culus ee khiyaamooyinka lacagaha ee Britain, wuxuu sheegay in uu baadhayo eedaymo musuqmaasuq oo ka dhan ah shirkad shidaal oo British ah oo ka shaqaysa Soomaaliya.
Shirkada ayaa sheegtay inay mar walba sharciga ku dhaqmayso ayna la shaqayn doonto baadhayaasha.
Sharikadda Soma oil and Gas ayaa waxaa la aasaasay horraantii sanadkii 2013-kii, waxayna hormood u tahay shirkado doonaya in Soomaaliya shidaal laga baadho.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post