X
    Categories: Warar

Qaramada Midoobay Oo Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Soomaaliya Ku Eedayay Xasuuq

Araweelo News Network

New Yor(ANN)- Qaramada Midoobay, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyo Malayshiyaad Dowladda Federaalka taageersan ay xasuuq iyo gabood fallo ka geysteen Soomaaliya.

Warbixinta Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in Afar bilood gudahood ay Ciidamada AMISOM iyo Malayshiyaad Dawladda Federaalka ka tirsan oo ku sugan Koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaaliya dileen illaa iyo 92 qof oo dhammaantood ahaa dad shacab ah oo aan hubeysnayn.

Qaramada Midoobay, waxay sheegtay in Dadka dhintay 55 kamid ah siyaabo kala duwan ay u dileen maleeshiyaad hoos taga dowladda Federaalka, halka 37 kamid ah dadkaa ay dileen ciidamada AMISOM ee ay maalgeliso Qaramada Midoobay .

Qaramada Midoobay, waxay si kulul ugu eedeeysay Hoggaanka Dawladda Federaalka in aanay wax xil ah iska saarin sidii ciidamadooda ay u nidaamin lahaayeen.

Ciidamada AMISOM, ayaa xasuuqa ka geystay gobolka Shabeelada Hoose oo mudo 30 maalmood gudahood ay ku dileen 37 qof, xasuuqa ugu daran ayaa ka dhacay deegaanka Calamada, halkaasi oo gaadiidka ay wateen ku jiidhay 18 qof oo shacab ah.

Dhacdooyinka kale ee xanuunka badan waxaa kamid ah xasuuqii duleedka Qoryooleey oo ciidamada Uganda ay ku gubeen gaadhi ay saarnaayeen dad shacab ah, kuwaas oo ku nafwaayay halkaa, sidoo kale deegaanada Wareermale iyo No.50, waxa ka dhacay xasuuq dad badan oo shacab ah lagu dilay.

Degmooyin katirsan gobolka Banaadir ayaa kamid ah meelaha ciidamada AMISOM ay dad shacab ah toogasho ku dileen, halka kuwo kalena ay dusha ka mariyeen gaadiid ay wateen, iyadoo aanay dawladda Federaalka arrimahaa ka hadlin.
Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha ayaa marar badan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ku eedeeyay xasuuq iyo gabood-falo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post