X
    Categories: Warar

Qaramada Midoobay Iyo Dalalka Turkiga Qadar Iyo Kenya Oo Canbaareeyay Weerarkii Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Dalalka Turkiga,Kenya iyo Qadar, ayaa si kulul u canbaareeyay weerrarkii khasaaraha baddan dhaliyay ee Al-Shabaab ku qaaday Huteelka Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho oo shalay lasoo gebagebeeyey sida ay sheegtay dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Qaramada Midoobay, ayaa dhankooda canbaareeyay falkaa, waxayna ku tilmaameen in uu ahaa fal argagaxiso, waxayna sidaa ku sheegeen qoraal saxaafadeedyo ay soo soo saareen.

Weerrarkaa oo dhacay habeenkii Jimcaha, isla markaana lasoo gebagebeeyay shalay galab, kadib ku dhowaad 23 saacadood, waxay si gaar ah u tilmaameen inuu muujinayo walaac dhinaca amniga magaalada Muqdisho ah iyo sida ay xaalada ammaanku faraha uga sii baxay.

.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidanka  Al Shabaab  Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta taageerta, ayaa sheegay in howlgalka uu soo gebagabeeyay fiidnimadii hore ee shalay.

Abuu Muscab, wuxuu sheegay in hawlagalkaasi si guul ah kusoo dhamaaday,  kaas oo sida uu sheegay lala beegsaday oo lagu dilay Tobanaan kamid ah kuwii loo qorsheeyay, kuwo kalena lagu dhaawacay.

Afhayeenka Millateriga Al-Shabaab, wuxuu ku dooday in Afar kamid ah kooxdii hawlgalka fuliyay ay goobta ku shahiiday,  halka qaar kalena iyagoo badqaba ay soo laabteen kadib markii ay hawgalkii guulaystay  ay soo fuliyeen.

Dhinaca kale Madaxda Dawladda Federaalka,  ayaa oo xalay ka hadlay a fiidkii sheegay in ay soo gabagabeeyeen weerrarkii hubeysnaa ee lagu qaaday Hotelka Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay in dib ka soo gudbin doonaan faafaahinta tirada dhabta ah ee khasaaraha ka dhashay, balse waxa jira warar laga helay Cusbitaalada oo sheegay in ku dhowaad la geeyay dad ka baddan 90 qof oo dhaacawa, iyadoo dhimashadana wararka qaar sheegayaan in ay kor u dhaafeen ilaa 40 qof.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post