X

Qaraarka Maxkamadda Ciidamada Ee Dilka Toogashada Sharafdarada Ee Lagu Riday Askari Hore

Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Maxkamadda Sare ee Ciidamada Somaliland  ayaa Xukun Dil ah ku riday Isniintii maanta Askarigii Dilka u geystay Taliyihii Saldhiga degmada Maxamed Mooge  ee Magaalada Hargeysa Marxuum Cabdi Cali Nuur 18 Feb 2025, iyadoo xukun 12 sanadood ah ku  riday eedaysane kale oo maxkamaddu sheegtay inuu qayb ka ahaa dilka, kaas oo ka mid ahaa Askarta Saldhiga.

Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Xayd oo akhriyay qaraarka Maxkamadda Sare ee Ciidamada ee soo saartay xukunka ayaa sheegay in Maxkamaddu markii ay aragtay galka Maxkamadda Darejada koobaad ee Ciidamada Galbeedka iyo xukunka Maxkamadda Derejada koobaad ee gobolada galbeedka ee ku taariikhaysan 22 Feb 2025,  warqada kasoo baxday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ee lifaafaqa oo ahayd  baadhista dhimashadii Marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, ina Caasha Xuseen oo ahaa taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge ee qaybta Bariga Hargeysa.

Xukunka Maxkamadda Sare, wuxuu sheegay markay qiraalka rafcaanlaha koobaad Askari hore Saddex Alifle Maxamuud Cali Nuur , ina Aamina Muuse oo 42 jir ah, isla markaana maxkamadda horteeda ka qirtay inuu tooray ku dilay Marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur,  iyo sidoo qiraalka rafcaanlaha labaad Dable Guuleed Cabdiraxmaan Ismaaciil 22 jir, ina Khadra Cali, isla markaana qirtay inuu gacan siiyay rafcaanlaha koobaad Maxamuud Cali Nuur.

Sidaa awgeed wuxuu sheegay in Maxakamaddu markay deristay garmaqalka Maxakamadda derejada koobaad ee galbeedka iyo dhammaan cadaymaaha sawirada Marxuumka iyo marag-miijinada ku jira gal dacwadeedka, waxa u cadaatay maxakamadda sare in denbi fool-xun ka dhacay saldhiga Maxamed Mooge ee Hargeysa gudihiisa, sidookale markay artay markhaatiyada koobaad ilaa shanaad  oo cadeeyay in denbi dhacay rafcaan-layaashuna yihiin kuwii galay.

Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Xayd, wuxuu sheegay in Maxakamada sare markay dhegaysatay qareenada rafcaanlayaasha iyo xeer-ilaalinta ay soo saartay xukun ay ku ayidayso  xukunka ay hore usoo saartay Maxkamadda derejada koobaad ee galbeedka. sidaa awgeed maxakaamadda sare waxay skari hore Saddex Alifle Maxamuud Cali Nuur , ina Aamina Muuse oo 42 jir ah, ku xukuntay dil “toogasho sharafdaro ah”.

Dable Guuleed Cabdiraxmaan Ismaaciil 22 jir, ina Khadra Cali, waxa lagu xukumay xukun 12 sanadood oo ka bilaabmaya 18 Feb 2025, waxaana xukunka lagu dhawaaqay 25 Feb 2025. sida uu ka akhiyay qoraalka xukunka Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Xayd oo ka mid ah garsoorayasha maxakamadda sare ee ciidamada.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post