X
    Categories: Warar

Qalab La’aan Haysata Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Halista Badeecadaha Dhacay Ee Loo Soo Waarido Somaliland

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdalla (Biikalo), ayaa ka hadlay qalab la’aanta haysatada hay’addiisa ee caqabada ku noqday ilaalinta tayada agabka dawooyinka iyo cuntooyinku ku jiraan ee dhacay ee loo soo waarido dalka oo halis ku haya shacabka.
Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayadu waxa uu sheegay in dalka la soo galiyo badeecado waqtigoodu dhacay oo halistooda leh, isla markaana ay wadaan dadaal ay ku dabagalaan oo ay ku gubaan agabka dhacay ee ay qabtaan.
Md. Cali Biikalo oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee Star tv , waxa uu ugu horreyn ka warramay hawlgallo ay ku qabqabteen dawooyin iyo cuntooyin dhacay toddobaadkan gudihiisa, waxaannu yidhi, “Toddobaadkan oo keliya inta hawlgal ee dhacay ee hay’addu samaysay waxay saddex jeer aannu gubnay alaabo dhacday, kuwaas oo kala ahaa; alaab sharaab ah oo waqtigii ay dhacaysay ay ka hadhay muddo bil ah oo ka timi Jabuuti waxaannu ku qabanay baabuur waawayn oo siday magaalada Saylac ee Gobolka Salal, halkaas baana lagu gubay alaabtii, waxa jiray alaab dawooyin ahaa oo lagu siday ilaa afar baabuur oo magaalada Hargeysa gudaheeda ku dhacday oo shirkadahan jumladlayaasha ah oo nala shaqeeya oo markii aannu tix-raacoodii dib u raacnay isla xaqiijinay in waqtigoodii dhicistu soo dhawaaday, kadibna aannu ku gubnay dhaamka wayn ee qashinka Hargeysa, waxa kaloo jiray in dawooyin karaatoon aad u fara badan ahaa oo diyaaradi sidday oo iyagana aannu madaarka Hargeysa ku qabanay markii dambena aannu gubnay.”
Mar la waydiiyey in hay’addiisu haysato qalabka mashiinnada ah ee lagu baadho tayada agabka iyo inuu jiro xeer sharci lagu maamulo ganacsatada soo dejisa badeecadaha kala duwan, waxa uu ku jawaabay, “Muddo dhawr sanno ahba runtii sidii aannu qalab ku samayn lahayn lahayn ayaanu qorshihiisii ku jirnaa oo ah sidii aannu ku heli lahayn lacagtii ee aannu u soo iibsan lahayn qalab dhammaystiran oo aannu u keeni lahayn dalka, dawladda qorshayaal badan baanu u soo bandhignay. Runtii waxaannu nahay hay’addii dalka u qaabilsanayd tayada, laakiin ilaa iminka mashiinkaa baadhaya tayada dawooyinka iyo agabka kale ee leh awoodda wax lagu baadho oo ah mid meel yaala maanu keenin, waxaannuse ku jirnaa qorshihiisii oo muddo dhaw waxaannu rajaynaynaa in ka dawada iyo ka cuntadu inay noo suurogalaan.”
“Hay’adda xeerkeedii waxa labada gole ee sharci-dejinta ee Wakiillada iyo Guurtidu ay ansixiyeen sannadkii 2014, kaas oo dhaqangalkiisa uu Madaxeynuhuna saxeexay sannadkii 2015, markaa hay’adda xeerkeedii iyo sharcigeedii wuu jiraa, qodobada sheegaya qofka ku xad-gudba tayada dalka ee lagu qabto isagoo si ula kac ah qarsanaya ama iibinaya wax dhacay ciqaabtii xeer-ilaalintu ku horgayn lahayd maxkamadda ee hadday ganaax tahay iyo hadday xadhig tahayba intiiba way yaalaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Cali Maxamed Cabdalla (Biikalo).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post