X

Qadar Oo Wefdi Dareen Dhaliyay Usoo Dirtay Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, Image Araweelo News Network. 1 May 2021..

Araweelo News Network.

#Somaliland: Madaxweyne #Biixi Oo Qaabilay Wefdi Dalka #Qadar Ka Socda oo Dareen Dhaliyay

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wefdi ka socda dalka Qadar oo uu hoggaaminayo Ergayga khaaska ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.
Kulankaa oo ahaa mid Albaabada loo xidhay ayaan la oggayn waxyaabaha lagaga hadlay iyo socdaalka xilligan ee wefdiga dawladda Qadar ku yimaadeen Somaliland, balse qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo safar shaqo ku yimi dalka Somaliland,
Qoraalka laguma xusin ujeeddada dhabta ah ee wefdiga, waxase lagu xusay in Madaxweyne Biixi warbixin ka siiyay Somaliland iyo marxalidihii ay soo martay iyo xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in kulankaas lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah, wallaw aannay wefdiga Qadar dhankooda ka hadlin oo aannay wax war ah kasoo saarin, iyadoo xukuumadda Qadar safka hore kaga jirta dalalka sida weyn dhaqaale ahaan iyo Millateri ahaan u taageera dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Madaxtooyadda Somaliland oo ku sheegtay xilkiisa ,{Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar) waxay ku xusay qoraalkeeda in kulanka waxa lagaga wada hadlay ahaa sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) xafiis uga furan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, sila markaana loo xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.
Dhinaca kale, wefdga ka socda dalka Qadar, waxa hoggaaminayo Ergayga khaaska ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtan, kaas oo ah Ambassador ku xeel dheer arrimaha diblmaaasiyada iyo dhexdhexaadinta.
. Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa Dowlada Qatar u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada iyo dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka. Isagoo ayaa ah Bar-tilmaameedka Qaranka ee Masuuliyadda Ilaalinta siyaasada khaarajiga ee Qadar,
Ambassador Al-Qahtani, wuxuu sidoo kale soo qabtay xilal diblamaasiyadeed oo waaweyn, isagoo  mar ahaa Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ee Qatar Mission ee Qaramada Midooba, wuxuuna kasoo qaybqaatay oo hormood u ahaa xalinta  khilaaf dalal badan oo uu ka ahaa dhexdhexaadiye, taas oo ,2015-kii uu ku muteystay inuu noqdo Safiirka Nabadda oo la gudoonsiiyo abaalmarin Caalami ah,  waxaana la rumaysanyahay in socdaalkiisu la xidhiidho sidii ay Qadar arrinta Somaliland iyo Soomaaliya u dhexgeli lahaayeen, maadaama ay dawladda Federaalka ah iyo midnimada Soomaaliya si weyn Qadar u taageerto.
Sidaa awgeeed socdaalaka xilligan ee wefdiga qadar iyo xafiisyada  ay doonay in ay Qadar ka furato Somaliland ayaa ah arrin dareen badan oo xaasaasiya dhalinaysa, iyadoo aannay caddayn in Madaxtooyadda Somaliland bedeshay mawqifkeedii ku waajahnaa siyaasada dalka Qadar iyo in dawladda Qadar bedeshay siyaasadeedii midnimada Soomaali weyn ee ay sida weyn taageerada ula garab taagnayd xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya..
https://youtu.be/hWue51-X1qs
Araweelo News Network.
info@arawelonews.com
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post